Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Boqorki Mallik Cambar .. Waa Adoonki Makane-Reer Shabelle Ee Noqday Boqorki Ugu Taariikh Weyna Dalka Hindiya Astaana U Ahaa Waxtarka Afrikanka ee IL-Baxnimada Hindiya

Wednesday - March 20, 2024



Mallik Canbar wuxuu ahaa Nin Adsoonsi Loo Geeyay Hindiya Oo Dhawr Jeer La kala Iibsaday, Laakiin marki dambe wuxuu Noqday Boqor Halgamaa iyo Dagaalyahan Raadad Cajiiba kaga tegey Taariikhda Hindiya

Bilowgii hore, Mallik Canbar waxa uu dhashay 1548-kii waxuuna ku dhashay Magaalada Qalaafo, wuxuuse ku koray magalada Harar, oo ah magaalo ku taal Bariga dalka Ethiopia,  isaga oo loo yaqaan "Chapu" Waxaa la sheegay si mala ah inu ka soo jeedo qowmiyada Oromada oo inta badan ay beegsanayeen xilligii Adoonsiga dadka ka ganacsada addoonsiga .. Waxa ay waalidkii ka iibiyeen nin ganacsade Carbeed ah kaas oo u qaaday dalka Yemen, halkaas oo uu haddana ka sii iibiyay.

Mallik Adoonsigiisii la kala iibsanayay ayaa ku dhamaaday Baqdaad oo xarunta dalka Ciraaq, halkaas oo uu ka iibsaday nin la yiraah Mir Qaasim Al-Baghdadi, oo ah ganacsade taajir ah oo gartay in uu caqligiisa iyo kartidiisaba leeyahay Adoonka Maalik Canabar.

Mir Qaasim waxa uu u bixiyay magaca Ambar oo macnihiisu yahay Cambar, waxaanu ku baray luqadaha kala duwan oo ay ka mid yihiin Carabiga, Faaris, Turkiga iyo Shareecada Islaamka.

Malik Canbar, waxa uu ahaa shakhsi taariikhda Hindiya si cajiib ah u soo maray, kaas oo ka soo kacay addoonsiga oo sanadki 1595 noqday hoggaamiye ciidan iyo ra’iisal wasaare ka tirsan Saldanada "Ahmad-nagar" ee gobolka "Deccan" Waxaa lagu tiriyaa inuu abuuray iska caabin adag oo ka dhan ah is balaarinta boqortooyadi "Mughal" ee dhanka Koonfurta, iyo isagoo soo bandhigay dib-u-habayn badan oo maamul iyo mid ciidan oo qaabeeyay bulshada iyo dhaqanka "Deccan"

Malik Ambar waxa uu xiriir dhow la lahaa dadka loo yaqaan "Siddis" kuwaas oo ahaa  dad Afrikaan ah oo  ku nool Hindiya ..  Siddiyaal badan ayuu qoray ciidankiisa, wuxuuna xilal muhiim ah ka siiyay maamulkiisa. sidoo kale, wuxuu  u hiiliyay beesha Siddii iyo dhaqankooda diineed iyo dhaqankoodaba usii wataan. Siddis ee Gujarat iyo qaybaha kale ee Hindiya waxay ku ixtiraameen geesinimo iyo weliba iyagoo u arkayay awliyo .. Mallik Canbar wuxuu ahaa tusaale cajiib ah oo ku saabsan sida Afrikaan-Hindiyaan ah ay u gaari karaan guul iyo saamayn Hindiya dhexdeeda.

Mallik Cambar ma ahayn dagaalyahan weyn oo keliya, balse wuxuu ahaa maamule aragti dheer iyo ilaaliye dhaqanka. Waxa uu soo bandhigay dib u habayn badan oo lagu sameeyay nidaamka dakhliga, nidaamka dhuleed, nidaamka waraabka, iyo nidaamka garsoorka Deccan. wuxuu kaloo dhiirigeliyay ganacsiga iyo beeraha, wuxuuna sare u qaaday waxbarashadda, farshaxanka, iyo dhismaha. Wuxuu dhisay magaalo-madax cusub oo la yiraahdo Khadki, taasoo markii dambe noqotay Aurangabad, wuxuuna ku qurxiyay masaajido, daaro, beero iyo dhufaysyo. Waxa kale oo uu kobciyay dhaqan isku dhafan oo isku dhafan Islaamka iyo dhaqanka Hinduuga ee Deccan. Wuxuu taageeray luqadda Marathiiga iyo suugaanta, wuxuuna siiyay fursad ay dadka Maratha ku koraan heerarka bulshada iyo siyaasadda. waxaa loo arkaa inuu yahay aasaasihii awoodda Maratha ee Deccan, iyo horudhac u ah hoggaamiyaha weyn ee Maratha, Shivaji.

Mallik Cambar waxa uu dhintay 1626, isagoo 78 jir ah, waxa uu ka tagay geesinimo, xigmad iyo deeqsinimo. Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saamaynta badan uguna cajiibsan taariikhda Hindiya, iyo inuu astaan ​​u ahaa waxtarka Afrikaanka ee ilbaxnimada Hindiya.

Sheekadda Mawduucan waxa qortay oo aannu kasoo Turjunay Timesofindia