Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Deganaasho Waa Shay Qaali Ah .. Fudeydku Faaiido Ma Leh .. Qiso dhacday

Friday - March 22, 2024





Goor Galab Casarkii ah aya nin wuxuu arkay xaaskiisii ku mehersanayd oo nin gaari ka soo dagay hab- siineysa oo wadada bartankeeda la taagan lana qoslaysa Ninki Isagoo tallaabada boobaya oo caro darteed wajigii guduutay oo is leh iyada iyo ninkaba gacan saar ayuu soo gaaray .. hadal wuxuu ka bilaabay oo yiri "Kollay Macsida Haddaydaan Qarsanayn Ma Weydeen Meelaad isla Gashaan?".

Gabadhi Iyadoo dhoolla caddaynaysa ayay ku tiri " Barasho Wanaagsan Ninkaan Waa Walaalkaygii Maqnaa Hebel Oo Hadda Yimi" kii kalana oo walaalkeed ah waxay ku tiri "Walaal waa seedigaagi aad maqashay".

Ninki Naxdin darteed wadnahaa go'ay deetana ninkii baa ku yiri "Seeddi barasho wanaagsan hadalkaas gefka ah iyo caydana gogol baan ka qabaa ee fadlan soo kaxayso wax-garadkaagi waa inoo caawa iyo xaafadda", isagoo cagaha jiidaya ayuu ka dhaqaaqay.

Ninki fududaaday Habeenkii buu is yiri cidna ha kaxaysane waa reerkaad xididka la ahayde kaligaa u tagoo raalli-gali una qoor-dhiibo wax allaale waxay kugu xukumaanna qaado .. Albaabka guriga markuu soo garaacay wiil yar baa ka furay oo yiri qolkaasaa ragii kugu sugayaane gal ..  nalka horena waa dansanaa qof dumaroo dayrka dhex taagan oo ka sii jeesatay intuu gudbayo ayuu xageeda u dhaqaaqay xaaskiisii buu mooday maadaama reerku kaligeed gabar lahaayeen intuu Barida dharbaaxo kaga dhuftay ayuu yiri " Naa qolka yaa igu sugaya waa ceeboobaye".

Waxay ku tiri "eeddo waa hooyadeed iyadii dadka qolka kugu sugaya ayay ka mid tahay guduboo u sii tag arrintana gogol kale loogu soo noqon maayo meeshaan keenayaa!!.

Fudaydku faa'iido ma leh .. deganaantuna waa shay qaali ah