Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sheeko Iga qoslisay .. Dhul-gariirki Maxkamada .. Islaanti Sharka Gar-yaqaanka Kashiftay

Sunday - March 24, 2024



Goobtu Waa Maxkamad .. Iyada oo kiis la qaadayo ayaa nin garyaqaan ahi  u yeeray markhaatigii u horeeyay oo ahayd islaan Da’ weyn. Inta uu ku dhowaaday ayuu ku yiri "Ma i garanaysaa?"

Islaanti waxay ugu jawaabtay, "Haa waan ku garanayaa. Weliba adiga oo inan yar ah ayaan garanayaa. Run ahaantiina, khasaare ayaa lagaa joogaa. Waad been badan-tahay. Waad xan badan-tahay,  Dirdiraalaad tahay, Nin reerkiisi gabay baad-tahay. Waxad ismoodaysaa nin cirka maray oo xidigahaas ifaya ah, waxadse tahay mid aan garaad iyo garsho toona lahayn oo war iyo waraaqo la eedo maxkamadaha la meermeera.”

Garyaqaankii oo fajiciso ka qaaday weerarkii islaanta ayaa into cabaar aamusay hadana ku yiri islaantii, "Garyaqaanka qolada kale u qareenka ah ma garanaysaa?"

"Haa" Ayay Tii islaanti. "Haa, oo waan garanayaa. Isaga oo yar baan isna garanayaa. Isaga laftiisa waa lagu hoobtay,  waa beenaale, waa caajis, waa wax ma tare, Waa biiri qaate, wuxu ismoodayaa inuu Garyaqaan milge iyo maqaam lee-yahay, hasa yeeshee, waa meel maran oo mugdiya.”

Markay hadalkii dhamaysay ayaa maxkamaddii aamus hareeyay. Ka dibna Qaadigii ayaa Labadii garyaqaan u yeeray. Markay u yimaadeen ayuu cod gaaban oo aan cid kale maqlayn ku yiri "Haddii aad weydiisaan islaanta inay i garanayso, hadaba ogaada labadiinaba waan xirayaa oo waxan ku xukumayaa xadgudub xurmo maxkamadeed!