Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 22 July 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Boqoradi Taariikhda Ku Galay Xanuunka Maskaxda Ku Dhacay Iyo Saameynti Kadeed Ay Ku Yeelatay Dalki Iyo Dalkooda

Thursday - April 18, 2024




1- Boqorkii Baabil – Nebuchadnezzar (604-562 B.C.): Waxa lagu naanaysay "Awooga Boroqada Maskaxda Ka Bukay" waayo wuxu jiray taarikhada miilaadiga ee xilligan la adeegsado ka hor .. Boqorkan xanuunkiisa waxa weriyay "Baybalka Yahuudda" ee Muslimiintu u taqaano Tawraat .. Baybalku wuxu weriyay in boqorkani maskaxada ka xanuunsaday; waxaanu is-mooday Neef Sac ah. Ka dibna inta uu qasrigii boqortooyada ka tegay ayuu duurka galay. Halkaas oo uu sida Lo’da geedahu cuno u ahaayeen.

2- Boqorki Kiligula (37-41 AD): Boqorki Kiligula, oo ka mid ahaa Boqoradi Rooma, ka dib markii uu xukunka qabsaday, waxa markiiba muuqatay in uu maskaxda ka buko. Sidaasna waxa lagu ogaaday markuu bilaabay in uu dad aan waxba galabsan laayo isaga oo dilkooda ku raaxaysanaya. Waxa kala oo falkiisa muujinaya xanuunka maskaxdda ee ku dhacay ka mid ahaa in uu yiri: "Ilaah baan ahaye waa in aad i caaabudaan."

3- Charles VI ee Faraans (1380-1422): Boqor Charles kii lixaad ee Faraans waxa uu boqor noqday isaga oo 21 jir ah. Kolkii uu carshiga fariistayna waxa bilaabmay in dhaqaalihi iyo siyaasaddii dalku tub wanaagsan qaaday. Sidaa darteedna waxa loo bixiyay "Boqorkii La Jeclaa" Hasa yeeshee, markii uu gaaray 32 jir wuxu, iyaga oo aan waxba gaysan si kas ah u dilay 4 abaanduule oo ka mid ahaa ciidankiisa. Waxa kale oo uu weerar gacanta ah ku qaaday walaalkii Louis ka Orleans .. Intaa ka dibna xanuunkii waa ku fiday, boqortoyadiina aad buu u saameeyay. Waxay gaartay in "Boqorkii La Jeclaa" loo bixiyo "Boqorkii Waalaa".

4- Ivan kii Ruuska, ama Ivan kii Argagaxa (1547-1584): Boqor Ivan wuxu noqday Qaysar kii Ruush ka 1547. Markiiba waxa ka muuqatay in aanay maskaxdiisu deganayn oo kolba gufaacooyinka xanuunku ku soo kacaan. Markii ugu horaysay ee lagu kacay wuxu dilay inankiisii oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada. Mar labaad kiina waxa uu sameeyay ciidan argagax iyo dil ku qaaday odyadii iyo guurtidii dalka. Mar saddexaad kiina wuxu weeraray magaalada Novgorod oo ku dilay kumanaan qof.

5- Suldaan Ibraahim kii Cusmaaniyiinta (1640-1648): Suldaan Ibraahiim wuxu suldaan noqday 1640 ka dib markii walaalkii Muuraad IV dhintay. Markii uu suldaanka noqdayna da’diisu waxay ahayd 25 jir. In yar ka diba waxa muuqatay in uu maskaxda ka buko. Waxaana loo bixiyay “Ibraahim kii Waalaa” .. Falal kiisa xanuun ka muujinayayna waxa ka mid ahaa in uu hablaha qasriga ka shaqeeya berkedaha qasriga ku tuur jiray oo markay haftaan ku dhiman jireen. Waxa kaloo ka mid ahaa in uu cashuuro badan oo aanu dadku qaadi Karin saari jiray .. dumarkiisa gabar ka mid ahna ay taladii dalka in badani gacanta u gashay.

6- Imbaraadoor Zhendgii Shiinaha (1491-1521): Imbraadoor Zhendge wuxu ka mid ahaa imbraadooradii boqortooyada Ming. Wuxuu ku caanbaxay boqor aan maskaxdiisu degenayn oo axmaq ah. Wuxu qaadi jiray weeraro uu hogaaminyo abaanduule aan jirin oo uu maskaxdiisa ka sameeyay; weeraradaasna dad badan ayuu ku layn jiray. Waxa kale oo uu maamulkii dalka u dhiibay nin la dhufaanay oo shaqaalaha qasriga ka mid ahaa. Ka dib markuu ninkii ka boodayna wuxu amray in isaga oo nool kolba qurub la jira ilaa inta uu ka dhimanayo.

7-Suldaan Mustafihii Cusmaaniyiinta (1592-1639): Waxa jirtay in reerihii boqortooyinkii hore shirqool iyo dil badani dhexdooda ka dhici jiray. Waxa tusaale u ah Axmed iyo Mustafe, laba amiir oo cusmaaniyiintii ah oo walaala ah. Axmed ayaa suldaan noqday. Ka dibna walaalkii Mustafe oo ka yaraa ayuu uga cabsaday xukunkiisii. Dabadeedna waa xiray. Wuxu ku xiray qafas; dhismana wuu ku wareejiyay si aanu u bixi karin dadna xiriir ula yeelan. Suldaan Axmed waa dhintay. Ka dibna shirqoolkii reerka gudihiisa ayaa bilaabmay. Shirqoolki wuxu soo saaray in amiir Mustafe suldaan noqdo. Maskax xanuunka Suldaan Mustafe waxa ka mid ahaa in uu laba hablood oo adoomihiisa ka mid ahaa ku amray in ay mar walba la socdaan iyaga oo qaawan. Taa waxa ka darnaa maamulkii dawladda wuxu gacanta u geliyay dad aan ehel u ahayn, sida nin reer miyi ah oo Suldaankoo socoto ah waraabiyay. Markuu maamulkiisi kala daatayna dibaa qafaskii loogu celiyay. Markan se waxa la raaciyay labada hablood ee qaawanaa.