Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Nibaa Wuxu Yiri Faraska An Fuulayo San-saankisa Baan Gartaaye Haddi U Yahay Mid Naf Leh Iyo Haddu Yahay Mid Hagaafa Oo Aan La Isku Haleyn Karin ..Urdogan Gartaye Micna Yare Sisi Ma La Isku Haleynkara

Sunday - April 21, 2024



Ankara  – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhigiisa Turkiga Mr. Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, kuwaas oo qeyb ay ka aheyd sidii labada dalk ay door ugu yeelan lahaayeen xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arriamaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ka go’antahay ilaalinta madaxbananida dhuleeda ee Soomaaliya, sidaas si la mid ahna ay ugu go’antahay dhigiisa Mudane Shoukry oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, “Waxaan is weydaarsanay tallaabooyinka la qaadi karo, si looga hortago in khilaafka siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika uu isu beddelo colaad,” ayuu yiri Fidan .. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay ka wada shaqaynayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan, 

Wadahadalkooda waqtiga ugu badan waxay ku dejiyeen qorshihii lagu joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, saameynta uu gobolka ku yeelan karo, hannaanka wada xaajoodka ee socda, iyo qorsheyaasha xal loogu raadinayo, si loo soo celiyo nabadii luntay ee Sudan.