Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 16 May 2024

Turkiga Oo Jeclaaday Iney Somalia Qurxoonaato .. Heshiiski Kadib Turkiya Oo Sidi Libaax Raqi U Taal Qorta Kor U Taagay .. USA Iyo NATO Oo Khatar Ku Soo Fool Leh .. Qumeyga Abiy Axmed Waa Simbiriixday

Monday - April 29, 2024




Abu-daby – Warbixin dheer oo uu qoray Machadka daraasaadka siyaasadda Emirates "Policy Center" ayaa waxaa looga hadlay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu hadda bilowday dhaqan-galkiisa .. Maqaalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go’aan qaadasho laga baaraan dagay, mise tallaabo loo qaaday meel aan la aqoon".

1-Joogtitaan buuxa oo milatari: Warbixinta Emirates Policy Center ayaa lagu sheegay in Turkiga heshiiskan difaac uu ka helayo awood maamul oo aan horay loo arag, isla markaana uu ku yeelanayo Dhulka, Badda iyo Cirka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .. Sidoo kale waxa maqaalka lagu shaaciyay in heshiiskan uu ka duwan yahay kuwii horay u dhex-maray labada dowladood oo ah saaxibo dhow oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u sarrreeyo.

2-Gorgorton heer Caalami ah: Waxaa kale oo Emirates Policy Center ku warramay in heshiiskan difaaca uu Ankara siinayo fursad kale oo ay kula gorgortanto dowladaha waa-weyn, sida Mareykanka oo isna taageero milatari siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

3-Isku fidinka Geeska Afrika; Nuqul ka mid ah maqaalkan oo si weyn loo akhristay ayaa lagu sheegay in Turkigu sii ballaarinayo awoodiisa Geeska Afrika, balse heshiiskan cusub ee difaaca ayuu Emirates Policy Center sheegay inuu caqabad ku noqon karo dowladda Itoobiya, gaar ahaan qorshaha ay ku dooneyso inay marin biyood ka hesho Badda Cas.

"Tani ayaa waxa ay ku khasbi kartaa Itoobiya in ay u hogaansanaanto damaca iyo rabitaanka Turkiga, si uusan usoo socon heshiiskan ama ugu yaraan ay uga badbaado saameyn xun oo xun oo ka dhan ah danaheeda" ayaa lasii raaciyay warbixinta.

Turkiga ayaa dhankiisa aaminsan in Itoobiya ay mudnaan wayn siin doonto sii wadida xiriirka kala dhexeeya Ankara, ayada oo la eegayo xiisadda haatan kala dhexeyso Masar..

Si kastaba, Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid difaac oo muhiim ah ayaa kusoo aaday, waxyar kadib markii ay Itoobiya heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si wayn uga hortimid dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.