Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogoow .. Islaan Waayeel Ah Ayaa Jaceylka Wax Laga Weydiiyey

Friday - June 7, 2024




Waxay Tiri Markii iigu horeysay ee aan kalimadaas maqlo waxaan ahaa Gabar yar .. Waalidkeyga ayaa
laabta igelin jiray wuxuu igu dhihi jiray " Waan Ku Jeclahay", waxaanse Jaceylka u fahmay inuu yahay: hilow , Ammaano iyo laab degan.

Waxay tiri: Markaan Soo qaan-gaaray waxaan arkay warqad fariin ku qoran kana timid wiil aan deris- nahay. Cinwaanka warqada wuxu ahaa Magaceyga oo ku lamaanan kelimada "Waam ku jeclahay" waxaan u qaatay Jaceylka inuu yahay: Qeyb ka mid ah Waali .. Markii la i soo doontay, isaga wuxuu igu yiri: Waan Ku Jeclahay, waxaanse u qaatay Jaceylku inuu yahay: Yadadiilo, Hawl, Ujeedo iyo Rabitaan.

Waa guursaday, maalintii labaad guurgeyga xabiibkeyga wuxuu iga dhunkaday Madaxa wuxuuna igu yiri: Waan Ku Jeclahay, Anna waxaan u qaatay Jaceylka inuu yahay: Hilow Lagu Daray Hilow Kale.

Waxay tiri: Hal sano ayaa ka soo wareegatey guurkeyga, waxaan dhalay cunuggii ugu horeeyey dabadeed anoo sariirteyda ku jiifinaayo, Ninkaygii ayaa ii yimid oo igu yiri "Waan ku jeclahay".

Waxaan ogaaday:Jacaylku inuu yahay (Mahadsanid, Mahadnaq, Naxariis, iyo Danqasho) .. Sanado badan ka dib Markay ka soo wareegatay Tima-heygii waa ay cirroobeen caruurteydiina waa ay wada-guursadeen
markaas ninkeyga ayaa Tima-hayga eegay oo dhoola cadeynaya waxa igu yiri isagoo dhoola cadeynaya: Waan Ku jeclahay .. Waxaan gartay: Jacaylku inuu yahay: Naxariis, Balan oofin, iyo daacadnimo