Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 29 April 2025

Xarunti Dalkeygaay Xamarey Ma Nabadbaa .. Dawlada Mareykanka Oo Diiday In Ay Bixiso Lacagta Lagu Ilaaliyo Mogdisha

Monday - April 28, 2025




WASHINGTON DC: Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inaanay sinaba Lacag u siin-doonin hawlgalkii midawga Africa ee Soomaaliya Safiirka Maraykanka ee Uganda William W. Popp ayaa carrabka ku adkeeyay in Washington aysan maalgelin doonin AUSSOM, ha noqoto mid hoos timaadda Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee 2719 ama xitaa mid ku salaysan qaab isku-dhafan.

Diidmadan qayaxan ee ka soo baxday Maraykanka ayaa salka ku haysa baaq ay soo saareen Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Jimcihii shir ku yeeshay dalka Uganda ayaa ku baaqay in ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalin ah loo diro Soomaaliya si ay isaga difaacaan weerarrada al-Shabaab.

Shir madaxeedkaasi ay yeesheen madaxda dalalka Afrika ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Entebbe waxa ka soo qeybgalay madax ka kala socotay dadalka Uganda, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Itoobiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay shir-madaxeedkaasi ayaa lagu sheegay in laga yaabo in ciidamo dheeraad ah ay ka yimaadaan Masar.

In ka badan 10,000 oo askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa hadda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku dhawaad kala bar ay ka socdaan dalka Uganda. Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxa ay ogolassho ka haystaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo noocyo kala duwan oo howlgalka nabad ilaalinta ah la geeyay halkaas tan iyo sanadkii 2007dii.