Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 29 April 2025

Maalinta Xisaabta .. Maalinta Qoomamada .. Waa Maalinta Ay Runta Shaac Bixin-doonto

Tuesday - April 29, 2025




Maalinta Xisaabta .. Maalintaas wax-yaabaha ugu murugada badan waa inaad aragto Xasanaad (Khayr) aad si adag u kasbatay, oo aad jeclaan lahayd inaad siisid aabbahaa, hooyadaa, xaaskaaga ama carruurtaad laakiin lagaa mamnuucay, balse ma awoodid inaad hal Xasanaad siiso qofkii aad noloshaada ugu jeclayd.

Laakiin taa badelkeeda, waxaa khasab kugu noqonaysa inaad siisid xasanaad-kaaga qof aad necbayd — qof aad gef u geysatay, ka hadashay xumaantiisa, aad xaqirtay ama aad dulmiday .. Waa maalin ay runta shaac bixi-doonto.

Maalintaas laguma kala tagi doono xoolo, dhalinyaranimo ama awood toona, ee waxa lagu kala tagi doonaa xasanaadka .. waa maalin aysan waxba tari-doinin caqli iyo dhagar-toona .. Taasi waa sababta loogu magac daray: "Maalinta Khasaaraha" amase Yawm at-Taghaabun.

Dadka ha u gefin, ha dulmin, afkaaga iyo adinkaaga ha ka nabad galaan, Xitaa haddii ay kaa maqan yihiin .. ILaahayow waxaan ku weydiisanay Naxariistaada, Rabbiyow hana hoojin maalintaas.