Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 15 May 2025

Horumarku Waa Sida Aad Ugu Fikirto Waxa Aad Haysato Iyo Waxaad Ku Qabsan-karto .. Horumarka Dalka Japan Maxaa Ka Dambeeya

Wednesday - May 14, 2025




Dalka Japan tirada dadkiisu ayaa kor u dhaaftay 120 Malyuun iyadoo baaxadda dhulkiisu ay ka yar tahay tan dalka Masar .. Dalka Japan ma-laha khayraad dabiici ah sida Batrool, Dhuxul Dhagax iyo Macdanta Birta a, Hadaba Japan iyadoo aanay hantida dabiiciga ah lahayn haddana shacbigiisa Saboolnimo, Macluul iyo Gaajo mid-koodna kama cabsanayaan.

Japan Wuxu dhinaca dhaqaalaha tartan kula jiraa Maraykanka iyo Shiinaha. isagoo waxa keliya ee ay ka faa’iidaysataan tahay Khayraadka muhiimka ee uu haysto oo ah dadkiisa (Human Recourses) iyo wakhtiga, Kuwaasi oo Dal kasta haysto .. Horumarku waa sida aad ugu fikirto waxa aad haysato iyo waxa aad ku qabsan karto.