Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 23 June 2025

Xaajo Niman Ogeyn Baa Indhaha Ka Rida .. Waxaa La Yiri: Sadex Balaayo Kaama Haraan

Sunday - June 22, 2025




Waxaa La Yiri, Saddex Balaayo Kaama Haraan:

1- Shaxaad yaraan Aad Ku Bilowday waa balaayo aan kaa harin.

2- Balwad Waynaan Aad Ku Bilowday Waa Balaayo Aan Kaa harin.

3- Badow-nimo Aad U Dhalatay Waa Balaayo Aan kaa Harin

              B-Shaxaad Aad Yaraan Ku Bilowday

Adiga oo yar haddii aad shaxaadka baratid, waxaa adkaanaysa in aad iska dayso, Si kasta haddii Shanta Maal-adduunyo u haysatid, waxaa aad noqonaysaa mid dadka wax waydiista .. Haddii aad qof israacdaan, waxaad sugaysaa in isagu shaaha iidiin shubo. Mar kasta waxaa kaa soo horreynaysa: bariiska innaga bixi iyo talow ehel ma bixini .. Dhadhan iyo qanaaco waxaa kuu noqonaaya waxa dadka kale ku siiyaan; waxaa lagaa qarinayaa waxaad haysato, qalbigaaguna waxaa ku maqnaanayaa wax gacan kale ku jira .. Qofkaas Shaqo kasta haddii la siiyo, waa ka tagaa. Waayo wuxuu rabaa wax bilaash ku soo gala oo tacab iyo hawlna ka galin.

         T- Balwad Aad Waynaan Ku Bilowday

Ma aragtay oday madaxu caddaaday oo da'diisa ku qiyaasayso inuu 80 gu' madaxa ka gooyay, oo haddana mid siggaar ihi u shidan tahay? Badanaa oo aad ugu badana bulshadeenna!
Beerka ayaa ku xanuunaaya marka aad aragto, oday Sagaashan jir ah oo qaadka tumanaaya, xabad siggaar ahna gacanta biddix ku haysta. Inta aad ka naxayso qofka dhallinyarta ah in ka baddan ayaad ka naxaysaa waayeelkaa .. Dadka noocaas ihi waa kuwo ku bilaabay balwadda waynaan! 

Waxaa la yiri, qofka yaraan balwadda ku bilaabaa, wuu ka waaya-arkaa oo wuu iska daayaa ama wuu yareystaa, balse Ka aan ka harin balwaddu waa ka ku bilaaba isaga oo wayn

        J- Badownimo Aad U Dhalatay.

Waxaad arkaysaa ku Sagaal jaamacadood kasoo baxay, oo hadana sida uu u hadlaayo aad yaabayso. Waxaad ka yaabaysaa dhaqankiisa .. Ficilka wuu samaynaayo oo aan ahayn wax laga filan karo qof aqoonyahan ah .. Meesha waxaa ka maqan haybaddii iyo dhaqankii lagu yaqaannay aqoonyahanka; waxaa uu samaynayaa xitaa mararka qaar, wax uu ka xishoodo ka aan tacliin baran!

Hore ma u maqashay: waano dhalan baa ka adag? Tana waa sidaas oo kale, oo aqoontii iyo jaamacaddii waxaa daboolka saaray, badowti-nimada uu u dhashay .