Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 6 July 2025

Nin Baa Laga Hayaa Soorta Lay So Wado Ee Aan Cuni-doono San-saankeeda Ayaan Ka Garta Sida Ay U Egtahay .. Dekadi Garacad Waxay Talo Hadba Geed Harsataba Ugu Dambeysti Talo Xumo Ayaa Lagu Xaraashay

Saturday - July 5, 2025




Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xaqiijiyay in dekedda magaalada Garacad lagu wareejin-doono shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta oo doonaysa in ay maal-gelin ku samayso.

"Dekedda Garacad oo muhiim ahayd, waxaad ogtihiin muddo waxa socday wada-hadal dhinaca farsamada ah oo shirkadda Wadaagsin iyo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo doonaysa in ay la wareegto dekedda Garacad, si ay maal-gelin ugu samayso dekedda" ayuu yiri Siciid Deni oo warkan sheegay isagoo ku sugan degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug Puntland 

"Labadii Shirkadood oo aan cidna ku dhex jirin oo dowladdu ku dhex jirin ayaa keligood mudda ka wada-hadlayay arrinta dekedda Garacad, hadda arrimihii farsamada oo dhan waa soo dhammeeyeen, waxaana rajaynayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan arrintaasi u hirgasho" ayuu warkiisa sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Wuxu sidoo kale sheegay in uu socdo qorshe lagu dhisayo waddo isku xirta dekedda Garacad iyo kastamka Tuurdibi ee degmada Galdogob, taasi oo fududayn-doonta gudbinta badeecadaha ganacsi ee laga raro dekedda Garacad, kuwaasi oo loo wado dalka Itoobiya.