Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 11 July 2025

Akbaarti Zamaanki Hore .. Sheekadi Dhex-Martay Boqorki Hindiya Jalaaludin Akbar Iyo Gabar Hormartay Isago Salaad Maqrib Tukanaaya

Thursday - July 10, 2025





Iyaga iyo ku Allahoode, waxay sheegeen in maalin maalmaha ka mid ah Boqorki weynaa ee la oran jiray "Jalaaludiin Akbar" oo meel Beer ah salaad Maqrib ku tukanaya waxaa soo hormartay Gabar qurux badan .. Sida wadaaddada qaarkood ay sheegaanna "Dameeraha, Dumarka iyo Eyga modoobi salaadda waa jebiyaan  

Boqor Akbar intu salaaddii ka baxay buu inantii wuxuu ku Eegay indho caro ka duulayso .. inantii oo naxdayna waxay tiri: "Boqorow I Cafi, Wiil aan caashaqay baa maankaygu ku maqnaa, oo meel aan marayaba ma aannan ogayn. .. Boqorkii oo caro basti la ah, kana fekeraya ciqaabta ay tahay in Gabadha la marsiiyo, ayaa Gabadhii hadalkii sii wadatay oo waxay tiri: "Laakiin Boqorow waxaan ku weydiiyey: haddii aad tukanaysay oo ILaah aad jeceshahay aad hor taagnayd, sidee baad ii aragtay, oo ku ogaatay in aan ku hor maray? 

Boqor Akbar markii uu weydiintaas maqlay, waxaa ku baryey waaga, oo wuxuu garaystay in isagu uu yahay Eedaysanaha dhabta ah, ee jacaylka Alle aan jirin afka ka sheeganaya. Wuxuu isku canaantay: haddii Gabadhu wiil ay caashaqday darti ay wax la arki weyday, sidee baa aniga qalbigaygu uga mashquulay ku marqaamida la kulanka Eebbe?!

Boqor Akbar (1542-1605) waxaa lagu tiriyaa in uu ahaa Boqorradii dowladdii Mangoolka ee Hindiya kii ugu awoodda badnaa. Wuxuu ka talinayey Dhul ballaaran oo ku fadhiyey inta u dhaxaysa Afganistaan iyo Bangaladeesh. Wuxuu talada qabtay isaga oo 13 sano jir ah, wuxuuna caan ku ahaa in uu aad isugu taxalujiyey in Diimaha kala duwan la mideeyo ama ugu yaraan ay nabad ku wada noolaadaan. 

Dad badan baa Mahatma Gaandi waxay ugu yeeraan in uu yahay "Aabbaha Hindiya", laakiin Hindi aan yarayn baa waxay aaminsan-yihiin in Akbar uu yahay ruuxa istaahila in loo aqoonsado in uu yahay aabbaha dhabta ah ee dowladnimada Hindiya aasaaska u jeexay .. Boqor Akbar waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa boqor calmaani ah oo diinta iyo dowladdu ay u kala soocan yihiin. Wuxuu rumaysnaa in isaga dowlad-nimada xil ka saaran yahay, laakiin diintu ay tahay wax Eebbe leeyahay dadkuna ay u siman yihiin.

Sheekooyinka laga wariyana waxaa ka mid ah, in wiil uu dhalay oo la oran jirey Saalim oo mar dambe noqday Boqor Jahangir uu maalin weydiiyey sababta uu wasiirrada iyo wadaadada Hinduusta ugu ogolaado in ay Lacag badan ku bixiyaan dhisidda Macaabidda? Akbarna wuxuu ugu jawaabay: "Maandhe, waan jeclahay diintayda, laakiin wasiirka Hinduusiga ahina diintiisa wuu jecel yahay. Haddii uu doonayo in uu xoolihiisa u huro diintiisa, yaa xaqa ii siiyey in aan u diido

Sida la sheego,  Boqr Akbar hilibka Lo’da ma cuni jirin. Mar la weydiiyey sababta isaga oo Muslim ah ku bixinaysa in uu ka caaganaado hilibka Lo’dana wuxuu ku jawaabay: Xaaskaygu Lo’da mindi uma quurto, sidoo kale ciidankayga badan-kooda oo uu ku jiro Abaanduula-hoodu hilibka Lo’da ma cunaan"

Midda kale, Boqor Akbar wuxuu guursaday haween tiradoodu 25 ka badan tahay, badan-kooduna ka soo kala jeeda Hindida haysta diimaha kale ee aan Islaamka ahayn. Sida la qiyaasayana guurkaas xooggiisu ma ahayn mid jacayl keenay ee wuxuu ahaa mid siyaasadeed la xariirta, oo Boqor Akbar uu ku doonayey in uu ku xoojiyo boqortooyadiisa .. Xaasaska boqorka waxaa ka mid ahayd haweenay la oran jirey "Maria Zamani Begum" oo ah hooyada dhashay Boqor Saalim .. Maariya waxay ahayd Kirishtan, aqalka madaxtooyada dhexdiisana waxay ka dhistay Kaniisad iyada iyo dadka ku diinta ahi ay ku cibaadaystaan .. Maariya carruurteeda waxaa isku mar la bari jirey Quraanka iyo Baybalka 

Muslimiinta Hindiya waa dhibsan jireen in Boqor-koodu guursaday haween tiradoodu ka badan tahay inta shareecadu Muslimiinta u banaysay, iyo weliba kaaga daranta in haweenkaasi aysan Muslimiin ahayn. Hase ahaatee ma jirin cid ku dhiirran kartay in ay ka hadasho guryaha boqorka, oo xaal wuxuu ahaa "Lama canaantaa caanihii daadshay!" Sida sawirka kor ka muuqata,  Boqor Jalaaludin Akbar dhegaha ayaa u daloolay, oo dhego-dhego ayuu xiran jirey, laakiin xiligaas waxaa ku xashaashi jiray oo qura dadka miisaanka culus leh