Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dulmi Cirka Is Ku Garooriyey Iyo Dayixi Dulmiga Oo Soo Baxay .. Cabdiweli Gaas Oo Si Aan Gabasho Lahayn, Weliba Aan Libiqsan Oo Dulmi Kula Kufay Beesha Tanade-Daarood

Monday - June 13, 2016



Dulmigu waa shayga oo laga qaado meeshiisa, isla markaana la geeyo meel kale oo aanu ku habboonayn. Tusaale ahaan, qof ayaad ka qaadday shay uu xaq u lahaa, waxaana aad shaygii siisay qof kale oo aan xaq u lahayn.
Dulmiga waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah: ka koowaad, waa dulmi uu qofku ilaahay ka galo, waana ka ugu weyn dulmiga. Ka labaad, waa dulmi uu qofku naftiisa ka galo. Ka saddexaadna waa dulmi uu qofku bulsho ama qof kale ka galo. Sida ay diintu sheegtay, saddexda noocba waa xaaraan oo ma bannaana .. hadaba ma daama oo uu dulmiga xanuun badanyahay, waxaa u ilaahay naftiisa ka mamnuucay in uu adoomihiisa itaalka yar dulmiyo.
 
Hadaba, aduunyada maalinba waxaad arkeysa wax kaa yaabiya oo aadamuhu la yaabo ..  Dulmi aan waaban, aan gaban, aan baqan, aan leexan, weliba aan libiqsan ayaa maanta la soo dusiyey oo sheegaya in Cabdiweli Gaas ku gardarooday beesha Tanade/ Leelkase isaga oo ku xad-gubay dhiigooda, Sharafkooda oo beerka uga istaagay. Dulmigaaso ah inu maanta ku dhiiraday inu allifo dabin siyaasadeed day-deysan, isagoo beesha Tanade/ Leelkase u xulay wax ugu yeeray odey dhaqameed wakiil uga ah beesha doorashada dalka ka socota, oo iyadoo qoraal ah u gudbiyey dawlada fedaraalka, Taaso qof walba oo beesha ka mid ah iyo inta gobanimadu weli ku dambeyso markay warkaas qaniiyada maqleen inta xajiimoodeen duubtay weer cad, waajib isaga dhigeen iney u gurmadaan sidi ay sharaftooda u soo dhacsan lahaayeen iyo weliba sidi looga hortagi-lahaa gudcurka puntland ku soo siyaaday iyo gaar ahaan sidi loo abaal marin-lahaa dulmiga loola yimid beesha.

Madaxweyne, Raga hoosta kaaga jira caqligooda ku taahaya Tanade/Leelkase foodkiisa maxaan ku falaynaa oo leh Cabdiweli Gaas baa noo foodaya, taa waa talo habro so martay aan waxba ogeyn oo marna iib geli-meyso, oo waxaan la isku ogeyn wixii hoos ka unkaama aftida reerka yar iyo weyn ma aha, sida awgeed waxaa beeshu kaa codsaneysa inaadan awooda muruqaaqa daawan kuna khalkhalin bulsho mideysan, hana is oran Rag macaash macaash ah baan beesha ka haysta oo maantey ii daganyihiin , laakiin rajadu tahay in si deg deg ah talabaadas aad qaaday ka tanaasusho, balse arimaha dhaqanka beesha u gaarka ah faraha kala baxdo, isla markaa dadweynaha codsigiisa waxaa ah in qoraalka ka baxay xafiiskaaga fadlan qoraal kale oo burinaaya ka daba geyso, waxaa kalo codsi ah in ficilkaa sababta kugu kaliftay iyo ka noqoshadaada aad jawaab nagasiiso 48 saac gudahood.

Teeda kale madaxweyne, waxaa talo naga ah inaad marka hore naftaada ku edbiso sharciga alle oo dib ilaahay ugu noqo, Tan labaad shakhsi-yaadka fadhi-ku dirirka ee damiir-kayga bulsho iska dhawreyno inaan ka dhawaajino hebel iyo hebal, balse loo yaqaan raga waashay, oo magacoodi ku xardhay biyo ee xishoodka laga dhaarshay, suudka u gashaday kala qaybinta beesha, xarfaanta ku ah sida wax loo qaldo ee kugu gaaf wareegaya ee dhgta wax kugu sheega oo aan fileyno iney maraakiib been ah ku rareen ee fadlan si wacan xaqiiqadooda iyo taariikhdooda u baro oo ogow ineysan kuwaas beesha wakiil ka ahayn, balse adiga yeysan kuu ilka cadeyn sun kuu karkarin oo ku ceebeysan .. ilaahay Aayad quraan ah wuxuu inogu sheegay " haddi mid faasiq ah war idin la yimaado iska hubiya inteydan dhibaato gaarsiin idinkoo xog la'aan idin hayso" cala ay xaal meel laga xoroobana waxa ugu fiican maskaxda.

Intaan qalinku taraarin aan ku ekaado xikamad uu yiri saxaabigii Cali Bin Abii Daalib ilaahay ha kaa raalli ahaadee ayaa waxa ay ahayd: "Haddii aad aragto qofka wax dulmiya, oo illaa weli sii wada dulmigiisii, ogow in ay gebo-gabadiisii soo dhawaatay, balse haddii aad aragto qof la dulmiyey, oo difaaciisii uu dulmiga iska difaacayey sii wada, ogow in ay guushisii soo dhawaatay”.