Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta " Bilaal Bin Rabaax R.C "

Thursday - October 30, 2008

Cumar bin Khataab Allaha ka raalli noqdee marka agtiisa lagu xuso Abuubakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu oran jiray Abuubakar waa sayidkeena wuxuuna xorreeyay sayidkeena isagoo u jeeday Bilal.

Bilal bin Rabbaax oo ahaa mu'adinkii Islaamka wuxuu ahaa nin aad u madow oo caato ah mana maqli jirin erayada lagu amaani jiray, marka la amaanayona hoos buu eegi jiray isagoo oran jiray waxaan ahay nin xabbashi ah shalayna waxaan ahaa nin addoon ah.

Laga bilaabo xilligii uu Islaamku bilawday ilaa maalinkan maanta ah waxaa tobankii qofoodba oo muslimiinta ka tirsan, toddoba ka mid ahi waxay garanayaan Bilal sida ay u garanayaanba labadii khaliif ee geesiyaasha ahaa oo Abuubakar bin saddiiq iyo iyo Cumar bin Khataab.

Qofkii la weydiiyo oo la yiraahdo ma garanaysaa Bilal wuxuu durba ku leeyahay waa mu'adinkii rasuulka, waa addoonkii sayidkiisa ku silcinaayay dhagaxa laguna oran jiray ku dhawaaq oo tuug Ilaahyada aan caabudno ee Laata iyo Cuza, Bilaalna ugu jawaabi jiray: AXAD..AXAD, markaasay dhibka ku saa'idi jireen kuna oran jireen ku dhawaaq waxa aan caabudno, markaasuu Bilal oran jiray: carrabkaygu ma karo kumana wanaagsana waxa aad sheegaysaan ee wuxuu karaa in uu yiraahdo: AXAD..AXAD, waxay markii danbe ku yiraahdeen dheh Rabbigaygu waa Laata iyo Cuza dhibkaaga waan ku daalnayee, markaasuu Bilal isagoo aad u dhibaataysan madaxa u ruxay oo uu yiri: AXAD..AXAD.