Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xlidhibaanada B. Dawlada KMG Oo La Arkay Iyaga Oo Wadooyinka Nairobi Sidii Dumar Haweyn U Murmaya

Wednesday - November 12, 2008

Nairobi:Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa waxaa Todobaad-yadii ugu dambeeyey ku suganaa inta badan Xubnaha Barlamaanka Somaaliya oo Nairobi u yimid ka qayb galka shirkii IGAD soo qaban qaabisay ee lagu dhaleeceeyey Madaxda sar sare ee Dawlada iyo guud ahaan Xubnaha Barlamaanka, Shirkaas oo ay natiijadiisi noqotay Bahdil iyo Canaan wajigabax ah ayaa ka dhacay Xarunta KICC.

Magaalada Nairobi gaar ahaan Faras magaalaha loo yaqaano Town-ka ayaa waxaa wadooyinka kala duwan ku arkaysaa, Xubno kala duwan oo Barlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo koox koox utaagan Wadooyinka dhinacyadooda islana buuqaya, qaarkoodna aan la garaneyn waxa ay la guuxayaan.

Xubnahaan Barlamaanka ee sida bilaa micnaha ah utaagan hareeraha Wadooyinka ayaa ka sheekaysanaya arimo kala duwan oo la xariira ayaga Shaqsi ahaan tooda, Sida Arimaha Mushaarkooda, Arimaha dib unoqoshada dalkii iyo xaaladaha taagan, iyo arimaha ugu xiisaha badan ee ayagu aad ka udanaynayaan oo ah Soo maga caabista Golaha Wasiirada Cusub oo mid waliba oo Xubnaha Barlamaanka ka tirsan uu jeclaan lahaa in uu ku jiro oo loo soo magacabo Xil Wasaaradeed-na loo dhiibo.