Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 21 January 2017

Saxaabi Xuseen Bin Cali Oo Ka Xumaaday Hanaankii Musllimiinta Isu Maamuli Jirtay Oo Dhaxal Laga Dhigay Iyo Dulmigi Lagu Dilay

Wednesday - December 21, 2016


Markii la dilay Amiirkii Mumininta Cismaan bin Cafaan csw, waxaa khilaafadi loo caleema saaray Saydnaa Cali bin abi-daalib csw, laakiin si afgambi ahaana hogaankii Muslimiinta gacanta waxaa ku dhigay Mucaawiye oo waqtigaas governatoore ka ahaa shaam- Dimashaq .. Mucaawiye iyo Cali muddo ayey ku loo lamayeen xukunka illa Cali markii dambe qolo khawaarij ah dishay .. Muddo yar ka dib waxa soo gaaray Mucaawiye farriin uu soo diray Marwaan binu Xakam oo kolkaas Madiina ku sugnaa. Warqaddani farriinta ay gudbinaysay ayaa ahayd in Xuseen Bin Cali ay u yimaaddeen dad ka yimid xaggaas iyo Kuufa isla markaana ay wadaan qorshihii xilka uu ku qabsan lahaa.
 
Mucaawiye isna dhiniciisa wuxuu warqad u diray Xuseen uu ugu sheegayo in aanay isku ogayn ballan ka bixid (yacni in la is faragalin) laakiin Xuseen wuxuu u sheegay in aanu ballantii ka bixin oo wuxuu raaciyay in aanu ilaahay agtiisa cudur daar lahayn Xuseen haddii aanu la jihaadin Mucaawiye dulmigiisa. 

Mucaawiye wuxuu ka qoomamooday farriintii uu diray waayo waxa ay u muuqatay inuu huriyay dab bakhtiisnaa. dhibta ugu weyni waxay dhacday kolkii Mucaawiye xilkii ku wareejiyay inankiisii Yasiid oo ahaa 34 jir. Arrintaas ayuu Xuseen si weyn uga soo hor jeestay wuxuuna arkay ballantii uu Mucaawiye la galay Xasan inay meesha ka baxday.

Waxa geeriyooday Alle ha u naxariistee Mcaawiye. Geerida ka hor, Mucaawiye wuxuu si weyn ula dardaarmay wiilkiisii Yasiid isagoo u sheegay in Xuseen binu Cali uu si weyn u ilaaliyo una ixtiraamo. 

Yasiid wuxuu xukunka qabtay isagoo wal-wal badan ka qaba Xuseen iyo tallaabooyin-kiisa waayo aabbihii ayaa hore ugu sii sheegay in colaadda Xuseen uu ka fogaado, Xuseenna yahay nin Muslimiintu jecel yihiin. Xuseen binu Cali binu Abii Daalib wuxuu ahaa nin suubbanuhu aad u jeclaa. Nebigu SCW wuxuu yiri isagoo ka hadlaya Xuseen, "Xuseen aniguu iga mid yahay; anna isagaan ka mid ahay. ilaahayaw jeclaw ciddii Xuseen jeclaata."

Muslimiintii waxay guda galeen inay heshiis la galaan Yasiid oo reer banii Umaya ahaa. Reer Madiina sidaas ayay yaguna sameeyeen. Xuseen isagu ganafka ayuu ku dhuftay inuu baayaco (doorto) la galo Yasiid, waxa isna go’aankaas ku raacay Cabdillahi binu Subeyr. Sidaas daraaddeed way ka huleeleen Madiina waxayna gaareen magaalada barakaysan ee Maka al Mukarrama.

Xuseen wuxuu aad uga soo xanuunsaday hannaankii Muslimiinta isu maamuli jireen oo dhabbihii laga leexiyay lagana dhigay nidaam dhaxaltooyo ah. Yasiid wuxuu ka warhelay in Cabdillahi binu Subayr iyo Xuseen diideen baycadii. Dhanbaal ayuu soo diray uu ku yiri, "Waan ogahay in Xuseen binu Cali iyo Cabdillahi binu Subeyr diideen baycadii. Waa in lagu qasbaa inay qaataan."

Intaas ka dib, waxa Xuseen soo gaaray dhanbaallo fara badan oo kaga yimid Kuufa. Dhanbaalladan oo tiradoodu gaareysay illaa 500 oo farriimood waxay Xuseen ugu sheegayeen reer Kuufa in aanay la baayactamin Yasiid isagana ay u heellan yihiin, doonayaanna in Xuseen xilka loo dhiibo. Kolkii ay farriimuhu ku bateen, Xuseen wuxuu diray ina-adeerkii Muslim binu Caqiil si uu u soo hubiyo bal reer Kuufa iyo xaqiiqadooda. 
Muslim binu Caqiil waxa loo sameeyay soo-dhawayn layaab leh waxa lagu sooray gurigii martida ee Haanii binu Curwa. Dadkii reer Ciraaq ayaa iska soo daba dhacay yagoo ku soo qulqulaya ibnu Caqiil una sheegaya in ay diyaar u yihiin baycada Xuseen binu Cali.
Muslim Bin Caqiil fariin ayuu u diray Xuseen bin Cali u ku leeyahay halkaan soo gal waa lagaa jeclyahay oo sidaas ayaa Xuseen Bin Cali u sooo ambabaxay xagaa iyo Kufa, laakiin fariinta markii laga warhelay iyo soo socodka Xuseen, isla markiiba waxaa la dilay Muslim bin caqiil, isla markiina wadooyinka soo gala dhamaan magaalada waxaa lagu wareejiyey askar qabata xuseen markuu soo galo xuduuda .

Aroor Jimce ah bisha Muxarram ku beegnayd 10 sannadkii 61 dii Hijriyada, marku soo gaaray xadka magaalada dagaal baa lagu qaaday ciidankii xuseen, waxaana si degdeg ah la wiiqay awooddii ciidanka Xuseen oo kolka horeba koobnayd. Ciidankiisa fardoolayda ahaa wuxuu tiro ahaan dhammaa 30 halka ciidanka lugtuna ahaa 40 nin. Guud ahaan ciidanka dagaal diyaar u ahaa intaas ayuu ahaa. Haraagu wuxuu ahaa maati, dumar iyo caruur u badan oo aan dagaal geli karin.

Ugu danbeyn ciidankii uu hoggaaminayay Xuseen binu Cali waa la wada laayay illaa isagii oo keliyi ka soo haray. taliyaashi watay ciidamadi la dagaalameysay waxay aad uga wareegaysteen inay Xuseen dilaan; mid kastaaba seefta wuu kala wareegay walow ay heleen fursado ay ku dilaan, haddana nin ku dhiirada in Xuseen binu Cali binu abii Daalib oo suubanuhu awow u ahaa waa la waayay. Kolkii danbe Shimbri ibnu dil Jawsa oo ahaa nin inkaar oo dhammi ku idishahay ayaa amar siiyay ciidanka kuna amray in ay Xuseen dilaan. Kolkii hore cidina ma dhagaysan oo sidii hore ayaa looga meeraystay dilka Xuseen. Si kasta oo ay ahaataba Xuseen waa la dilay. Goobtaas lagu dilay waxa la oran jiray Karbala. Guud ahaan waxa ciidankiisa laga dilay toddobaatan laba nin oo uu isagu ku jiro.

Kolkii Xuseen la dilay kaddib, waxa laga soo jaray madaxiisii, waxaana loo keenay Cubeydullaahi binu Siyaad oo xukumay Kufa ahaana ninkii diray ciidanka. Isla markii albaabka looga soo geliyay ayuu dacaayad bilaabay oo yiri: Ninku (Xuseen) waxaan moodayay inuu intaas ka qurux badnaa. laakiin Saxaabigii weynaa ee Anas binu Maalik oo madasha joogay ayaa si kulul ula hadlay Cubeydullaahi, oo ku yiri "Ninkaad sidaas ku leedahay wuxuu ahaa kii Nebiga SCW ugu eekaa!"

Maatidii waxa si weyn u soo dhaweeyay Cubeydullaahi binu Siyaad oo u diyaariyay hoy iyo hu’ ba. Wax kasta oo ay u baahdaan wuu siiyay si weynna wuu ula dhaqmay. Geesta kale madaxii Xuseen waxa loo diray Yasiid binu Mucaawiye oo Shaam joogay. Ugu danbeyntiina waxa lagu soo celiyay laguna aasay Madiina(Halka uu ku aasan yahay madaxa Xuseen khilaaf xooggan ayaa ka taagan, sida se loo badan yahay waa Madiina lagu aasay).

Cubeydullaahi binu Siyaad iyo taliyayaashiisii iagana markii danbe waa la dilay oo ciidammo Xuseen u hiilinayay ayaa isaga, Xuseen binu Tamiim, iyo shar-wadeenkii weynaa ee Shimbiri oo la dilay madaxana ka soo gooyay. Sidaas wuxuu Cubeydullaahi ku noqday kii khalgiga ugu shar badnaa waayo wuxuu dilay Xuseen oo inantii Nebigu SCW dhashay.


hits Hits : 1298