Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin

Tuesday - December 25, 2018



Wargeyska Daily Mail Oo carga ingiriiska ka soo baxa ayaa qoray in madaxwyne Valdmir Butin oo 66 jir ah oo horay marar badan xam-xamta suuqa hadal haynta lagu shaaciyey inu la saaxiib yahay Gabar lagu magacaabo Alina Habaeva 35 jir u markaan daboolka ka qaaday inu dhawaan gabadhi nolol wadaaga u la aqal gali-doono

Wargeyska ayaa gabdhaas ku sheegay iney ka mid tahay gabdhaha ku taxan ciyaara Athletikada (sportswoman) oo ay dhawr jeer qaadatay bilada Olympiga, laakiin hadda ay madax ka tahay golaha wargeysyada Ruushka oo sida gaara ugu xiran Maamulka Moskow.

Aqalka looga taliyo Ruushka kermalin ayaa horay loo weydiiyey in madaxweyne Buutin leeyahay "Girlfriend" qarsoodi ah iyo in kale, hasa ahaate warkaas waxay ku sheegeen wax kama jiraan.

Ugu Dambeyn Butin lafahaantiisa oo ka soo hormuuqday goob ay isugu yimaadeen saxaafada ayaa si kadis ah loogu weydiiyey waqtiga iyo xiliga u dhici-doono damaashaadka xaflada arooskiisa, wuxuuna jawaabti isagoo Qoslaaya ku cadeeyey in u dhawaan jacelkiisa kula aqal galidoona guri daahyo weyn.
Madaxweyne Butin Horay iyo sanadki 2014 ayuu xaaskiisi la oran jiray Lyudmila sababo aan la garaneyn ku kala tageen.

hits Hits : 5375