Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi

Friday - October 1, 2021



Qisadan waxay ka mid tahay qisooyinka aadka u cajiibka ah, waxay dhacday xilligii Nabi Muxamed (N.N.K.H) uu ku noolaa magaalada Madiina .. Nabigu wuxuu Waraaqo dhambaal u kala diray guud ahaan dawladihii Dunida ka jiray xilligaa si uu iclaamiyo inuu yahay Rasuul loo soo diray dhamaan Basharka, Sidaa darteed waraaq ayuu u diray Boqorkii Faarisiyiinta ee Kisra laguna naanayso Shaahan Shaah amase Boqorka Boqorada .. Warqadaas waxaa qaaday saxaabiga Cabdillaahi ibnu Xudaafa, waxaana ku qornaa warqada xogta ah in Boqorka Faarisiyiintu isu dhiibo Allah, rumeeyana Nabigii Ilaahay ee Maxamed (N.N.K.H).

Boqorkii kolkuu akhriyey warqadii ayuu arkay inay ku bilaabmayso waxay warqadani ka timid Maxamed oo ah farriin-sidihii ( Rasuulki) Allah kuna socota Boqorka Faarisiyiinta, markaasuu Boqorkii carooday weer cad goostay oo Yiri: Sidee buu Adoon ka mid ah adoomadaydu uu magaciisa uga hor bilaabaa magaciisa kadiba warqadii isagoo caytamaya ayuu jeexjeexay. 

Warki boqorka iyo falki u ku kacay markii loo sheegay Nabiga wuxuu yiri: ILaahay ha goo-gooyo boqortooyadiisa!! Dabcana Ilaahay waa ajiibay habaarkii Nabiga oo dawladii Faarisiyiinta xooga weyneyd way burburtay waxaana laga waayey saaxada Aduunka mudo sanado yar gudahood.

Boqorkii Faariis oo habaarkaas ku si maqan yahay ayaa warqad u soo diray governatoorihi u fadhiyey dalka Yemen kuna yiri: Waxaad dirtaa Laba nin oo xoog waayen oo soo qabta ninkan jooga tuulada Madiina ee ku edebdarooday boqortooyadeyda. 

Ninkii governatooraha ahaa oo la oranaayey "Baadaan" oo qaatay amarki Boqorki Faariiska ayaa diray Laba nin caan ku ah xaga xooga oo muruqyo kus-kuusan lahaa lana kala yiraahdo Qarmaan Baabawayhi iyo Kharkhas .. dabadeedna labadii nin oo Seefo waaweyn ku gaashaman, waxay u tageen Nabigii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) waxayna ku dhaheen: Boqorkayagii Faariis ayaa no ka soo diray si aan kuu hor-gayno, hadaad diidana waan kula dagaalamaynaa!! Nabigu wuxuu Yiri: Barrito igu soo laabta. 

Subaxii ayey soo kallaheen labadii nin markaasu Nabigu ku Yiri: Boqorkiinii Faariis ee idin soo diray waxa dilay Rabbigay, waanu dhintay oo waxa ku kacay wiilkiisii "Shiirawayhi" .. Labadii Nin way yaabeen oo waxay is waydiiyeen qaabka uu ku ogaan karo Maxamed Akhbaartaan!! Nabigu wuxuu Yiri: taga oo ku laabta Yemen oo ninka "Baadaan" la dhaho waxaad ku tiraahdaan hadaad islaamto waxaad masuul iiga noqonaysaa Yemen. 

Labadii nin Yemen iyo halki laga soo diray ayey dib ugu laabteen warkiina waxay gaarsiiyeen Governatoorihi Baadaan, isla markiiba iyagoo warbixinti Nabiga siinaya governatoore Baadaan, waxaa yimid nin farriin side ah oo leh: Waxa i soo diray Boqorka Shiirawyhi oo dilay aabihii, wuxuuna ku dhahay: Ninkii aabahay kuu diray inaad soo xirto hawshiisa iga war sug aniga .. SubxaanAllah, waxay ku noqotay dadkii arrin cajiiba markaasuu Baadaan islaamay oo soo galaya diinata xaqa ah.

Sababta keenta in Shiirawayhi uu u dilo aabihii waxay ahayd tabar darri ka timid xaga ciidamada Faarisiyiinta oo waxa jabiyey Roomaankii oo hadda ka hor Faarisiyiintu ay u jabiyeen. Arrintaasna Ilaahybaaba kaga hadlay Quraanka oo yiri: Roomaanka iminka la jabiyey waxay mudo yar kadib qabsan doonaan Faarisiyiinta, waana mid kamid ah mucjisooyinka Quraanka.


hits Hits : 3873