Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa

Wednesday - May 8, 2019

 

Hadda Ka hor ayaa nin Takhtar caan ahaa ayaa gurigiisa ka baxay isagoo u socda Airaboorka, wuxuuna u socday inu ka qayb galo shir Takhaatiirta caalamiga ku kulmeyso, halkaaso lagu siin lahaa Abaalmarin .. Takhtarka arintaas aad ayey ula weyneyd.

Diyaaradi Waa kacday marakay cabaar socotay aysan gaarin meeshi ay ujeedku ahaa ayaa waxaa diyaaradi ku soo baxday cilad farsamo, kadib waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaaradu ka degi-doonto airaboorka ugu dhaw oo dadka rakaabka ahna la saari-doono diyaarad kale maalinta beri ah.

Ninki Takhtarka ahaa ayaa u tagay gabar fadhidey xafiiska Airaborka, wuxuuna u sheegay inuusan sugi-karin beri oo u leeyahay shir muhim ah .. Gabadhi aya ku tiri: Aniga arintaas waxba kama sameyn-karo ee meeshaad u socota saas uma foga oo hadaad Gaari qaadato waa 3 saac driving oo kaliya

Takhtarki oo qaatay fikradi gabadha, laakiin Necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayey saas daraadeed wuxuu soo qaatay Gaari ijaar ah wuuna kaxeeyey, kadib marku cabaar socday ayaa roob xun bilawday oo waxba laga arkeyn .. Takhtarki wadadi wuu dhumiyey, wuxuuna socday muddo sadex saac ah oo meel qaldan ku socday.

Takhtarki marku arkay inu qalad ku socdo quusna joogo ayuu arkay Guri yar oo meel ka taagan, wuxuuna is-lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo talefoon aad dirsato si loogu hago, ma daama Mobile-kiisa u bila dab noqday .. Marku Guriga iimaaday ayuu irida garaacay, waxaa lagu yiri soo dhaaf, mase waxaa joogta Duq waayeel ah oo curyaan ah, salaam kadib wuxuu ka codsaday in talefon u ka heli karo iyo inkale .. islaanti waayeelka ahayd waxay u sheegtay in aysan taleefoon qabin, balse ay raashin siin-karto

Takhtarki wuxuu arkay islaanti oo duceyneysa misan wuxuu arkay cunug meel jiifa, wuxuu ku yiri yaad u duceyneysa .. islaanti baa tiri ducooyinkeyga dhan waa la aqbalay ila hal mid ma ahee .. Takhtarki ayaa su'aalay mida aan la aqbalin .. islaanti waxay tiri: Wiilkaan yar oo jiifa waxaan u ahay Ayeeyo waalidkiisa way dhinteen oo waa xanuunsan-yahay oo ma dhaqaaqi-karo, waxaana laygu yiri hal nin oo takhtar ah ayaa daaween-kara, takhtarkaasna waa iga fogyahay, aniga waayeel baan ahay ma gaari-karo, waxayna u raacisay takhtarka magaciisa .. takhtarkiina wuxuu noqday isla isagi

Takhtarki ilin ayaa indhihiisa buuxisay wuxuuna ogaaday in ay dhumistiisa iyo diyaarada waxa ku dhacay ay ahayed aqbalida islaantaan ducadeeda oo waxaa qornaa in aan gurigeeda ugu imaado ayadoon raadin .. Takhtarki sidi ayuu ku daaweeyey wiilkii yara wuuna caafimaaday.

Maasha alaah Subxaana-allaah wala-xawla -walaa quwata ila bilaah.
Waa qiso cajiib ah mudana in lagu cibrad qaato, sheekadaan waxaan ka faaiidnay wax walba oo lagu duceysto in Alle Kor Ahaaye noo fududeynaayo anagoo meelna u dhaqaaqin.

hits Hits : 6049