Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo

Saturday - December 8, 2018



Maalin Maalamaha ka mid ayaa nin Taajira oo faxaaxsaday aan Awlaad iyo Xaas midna lahayen ayaa wuxuu martiqaad cunta-casho ah u fidiyey shaqaale ka mida shaqaalihiisa oo u soo xulay , kadib marki cashadi la cunay ayuu qof-kasta wuxuu hor hordhigay Kitaab Qur'aan ah iyo Lacg is feer taal, oo yiri Nin walbow Dantaa iyo labadaas shey waa kitaabka iyo lacgte kaa rabto ka dooro iridana ha kala baxo.   
Taajirkii oo mid mid u weydiiyey kala doorashada labadaas, wuxuu ka bilaabay Waardiyihiisi oo yiri: labadaa mid dooro .. Waardiyihi wuxuu yiri: sayidow Aniga waxaan jeclaa inaan kitaabka qaato laakin nasiib-daro maba akhrin aqaano, oo sidaa darteed waxaan qaatay Lacgti.
 
Taajirki ayaa haddana weydiiyey ninki beerta uga shaqeynaayey .. isagiina wuxuu yiri: Aniga Xaaska ayaa iga jiran, oo lacg aan ku daaweeyo ayaan u baahanahay, oo haddi aysan sababtaas jirin koleyba Kitaabka ayaan dooran lahaa.

Taajirkii ayaa haddana su'aashi kala doorashada u leexiyey Cunta-kariyihi, wuxuuna ku jawaabay: sayidow Aniga wax waan akhriya, laakiin markaan shaqada ka baxo waqti aan ku akhriyo ma helo, sidaa daraadeed waxaan doortay Lacgta. 

Ugu dambeyn Taajirki ayaa Wiilki xoolaha u raacayey oo u ku ogaa faqri ayuu si jees-jees iyo hunguri ka soo rid ku yiri: Wiilyahow waan ku ogahay dhaqaalo xumida ku dhigatay sidaa awgeed waxaan kugula talinayaa adigana dadkaaga iyo qeyrkaa dhinac ka raac oo lacagta eego si aad uga baxdo wax la'aanta oo cunto ugu gadato iyo kabo aad ku socoto .. Wiilki ayaa jawaabay oo Yiri: Sayidow waxkasta dhinaca fiican baa laga fiirsha .. waa runta waan u baahnahay inta aad sheegtay, laakiin waxaan doortay oo aan qaadanya kitaabka, maxaa yeelay hooyadey waxay goor walba igu tiraahda: Waxkasta oo Maal iyo khasnado-aduun oo jira waxaa ka qaalisan hadalka Eebbe SW, oo saas daraadeed ayaan ku qaatay kitaabki.

Wiilki oo kitaabki isla markiiba la booday marku furay, waxuu ku dhex arkay laba Baqshadood oo mid ay ku jirto lacgti u soo bandhigay taajirka mid toban laabkeed ka badan .. Baqshadi labaadna marku iyadana furay wuxuu ka dhex helay dokomenti lagu cadeynaayo inu xoolaha Taajirka isagu aakhirka dhaxli-doono .. Subxaana Allaah, ilaah wax walba waa awooda, waa hadiyad Eebe u gartay iyo hodan barwaaqo

Cibrada Qisadaan: Waa waxaa wanaagsan in Qofku markasta xasuusto balan-qaadka Alle SW ee ah: noloshu waa imtixaan lagu imtixaanaayo Baahi iyo Hantiba, sidaa daraadeed haddi aad dooneysid inaad farxad iyo niyad wanaagsan ku naalooto kheyr ilaahay ka filo oo malahaaga hagaajiso oo yaqiinso in ilaahay hadaad wax fiican ka filato u ku siinaayo.

Fiiro Gaara: Qisadaan uga sheekeeya caruurtiina si ay kitaabka u jeclaadaan iyo si malaha xag alle u hagaajistaan 


hits Hits : 5315