Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 31 March 2020

Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay

Saturday - Feb 22, 2020



Taariikhda Aadmigu soo maray tan iyo intii uu ilaahay abuuray dunidan ee ay soo jirtay, waa cibaaro miiran oo u baahan in dib loo jalleeco si wax loogu qaato .. Marka uu Ilaahay(SW) uu innooga warramayo Raggii Qooqay ee uu Fircoon ka mid ahaa waa si aynnu uga bayrno waddadii ay qaadeen Fircoon iyo Raggii la midka ahaa .. Qarni kasta waxa Dunida soo mara Rag tacaddiyo geysta oo aan waxba ku qaadan kuwii iyaga ka horreeyey ee sida xun u dhintay ama u jabay.

Boqorka Qooqay ee aan ka warramayo waa Hayle Silaasihii mar ka talin jiray dalka Itoobiya oo 45 sannadood Boqor ahaa .. Hayle Silaase waxa uu si shirqool ah ku hantiyey Boqortooyadii Xabashida sannadkii 1928-kii oo Dhaxalka meellna kama u soo galayn .. Haile Selaase sannadihii uu boqorka ahaa Jinsiga Amxaaradu mugdigii ay dunida kaga jireen ayuu si eex qabiilnimo ku jirto uga saaray gaar ahaan dhinaca wax-barashada, xukumka, maamulka iyo dhaqaalaha iyo ciidammadana iyaga ayuu gacanta ka saaray .. Qawmiyadaha dega koonfurta Itoobiya iyagu inay Addoomo yihiin ayey u aqoon-sanaayeen Boqorka iyo nidaamkiisu .. Qoomiyadahaas gaar ahaan Oromada dhinac kasta waa laga duleeyey, heer waxay gaareen inay jinsiyada amaxaarada intooda badan sheegtaan amase qaataan, waayo Qawmi-yaddoodii waxay u arki jireen mid liidata.

Hayle Selaase oo xunkunkiisi Sees adag u dhigay iyo qoyskiisu heer waxay gaareen ay dalka u maamulaan sidii guryo ay leeyihiin oo kale .. Saddex wiil iyo Saddex hablood oo uu dhalay mid walba waxa uu ku magacawnaa Amiir u taliya gobol, hantida dalka iyagaa iska lahaa oo cidina ma xisaabinayn .. Gobollada dalka oo dhan meelo ay ku raaxaystaan oo iyaga u xiran bay ku lahayeen .. Cuntada ay cunaan qaar baa Yurub looga soo waaridayey xitaa biyaha nooca Evian la yiraa ayaa dalka France looga keenayey oo guriga reer boqor lagu cabbi jiray. 

Qasriga boqortooyada meelo Ugaara iyo Dugaagga lagu dhaqaaleeyo ayaa ka samaysnaa, Ganacsiga waawayn sida Warshadaha, Beeraha waaweyn, Huteellada iyo guryaha waaweyn oo dhan boqorka Innamadiisa, Hablihiisa, kuwa uu Soddogga u yahay, inta ku dhaw-dhaw iyo Kanniisadda ayaa iska lahaa .. 1974kii markii xukunka laga tuuray hantida boqorka dibadda u taallay waxa lagu qaddaray 20 bilyan oo Dollars.

Waxa uu ahaa nin aad iyo aad u lacag jecel, maalmihii xukunka laga tuuray ayaa sariirtii uu ku seexan jiray firaashkii saarraa hoostiisa laga soo qufay lacag qadarkeedu dhannaa 350,000 Birka Itoobiya ah. Intii uu boqorka ahaa waxa uu ku dedaalay inuu helo dawo wax ka tarta gabowga oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay

Dhiil waliba markuu buuxsamo waa uu daataa .. sannadkii 1971kii ayaa bilaw u ahaa burburka Boqornimadii Hayle Selaase.Waxa uu Ilaahay ku salliday ardaydii jaamicadaha Addis Ababa, kuwaas oo dhigay banaan-baxyo aan kala joogsi lahayn.Waa Amxaaradii uu isagu rabbaystay,waa kuwii oo weliba hoosta ku sita mabaadiida Shuucidda oo berigaa calankeedu babanayey .. Boqorku wadda kasta ayuu u maray sidii uu u joojin lahaa kacdoonka Ardayda weyse u suuroobi-wayday, Kacdoonkaa oo socda ayaa waxa uu ilaahay qaddaray in gobolka Wallo abaar xumi ku haabsatay 1972-

1973kii.Abaartaas oo Hayle Selaase iyo wasiirradiisiiba si weyn u dafireen iyagoo ku andoo-coonaayey in dalka Itoobiya haba yaraatee aanay abaaro ka jirin .. Tefishanka (BBC)-da ayaa berigaa baahiyey oo caalamka tusay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka Wallo, intaa waxa la daba dhigay Hayle Selaase oo qasriga boqortooyada Dugaaggii ku noolaa hilib u qaybinaya .. Dadkii abaartaasi ku dhintey waxa lagu qaddaray laba boqol oo kun oo ruux .. mudaaharaaddadii iyo shaqo ka fariisigii ayaa sii xoogayestay, ciidammadii iyo saraakiishii hoose ayaa iyaguna gadooday.

Hadal iyo dhamaan taariikhdu markay ahayd 12kii Sebtambar 1974-kii ayaa xukunkii Hayle Selaase ciidammadu afka ciidda u dareen .. Maalintaa baa ugu dambaysay Hayle araggiisa .. Maalmo ka dib waxa dhegta dhiigga loo daray Ra’iisal wasaarahii, wasiirradii,saraaskiishii sare ee ciidammada oo uu ku jiro wiil uu awow u ahaa oo ciidanka badda xukumi jiray, kuwaas oo tiradoodu dhammayd 59 qof. 

Wiilkii dhaxalka lahaa oo la oranayey Asfa Wossen iyo wiil uu dhalay oo Yurub joogay maahee intii kale ee reer Boqor xabsiyada ayaa lagu guray, hantidii ay dalka ku lahaayeen dhammaan waa la qarameeyey oo dawladdaa la wareegtay .. 27kii Ogost 1975kii ayaa radiyo Addis Ababa laga sheegay in Hayle Selaase dhintay oo la aasay.

Waa halkan meesha ay cibaaradu ku jirto .. Boqorki darajooyinka aan kor ku soo xusnay sheegatay waxa xukunkii ka tuuray mid ka mida kuwii uu u haystay addoomaha, waa Korneyl Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda qawmiyadda la yiraahdo Walaamo ee degta koonfurta Itoobiya.

Mangistu16kii sannadood ee uu xukunka hayey kumanyaal Amxaaro kuwii ladnaa ah ayuu dhegta dhiigga u daray qaar kale oo badanna xabsiyada ayuu ka buuxiyey.

1991kii ayaa isagana taladii dalka xoog looga tuuray.Halkaa markay arrimuhu marayaan ayaa Amxaaradii daacadda u ahayd Hayle Selaase baadi goob u galeen halkii lagu aasay maydkiisa .. Sannadkii 1992kii ayaa nin ogaa halkii lagu xabaalay soo baxay.Maalintii uu ninku horkacayey dadka si loo soo saaro qalfoofkii Hayle waxa daba socday oo duubayey telefishannada caalamka qaar ka socday.Sidii loo daba socday ayuu ninkii galay gurigii madaxtooyada, waa la yaabay, lagama harinse oo waa la daba socdaa,xafiiskii Mangistu fariisan jirey ayuu daf yiri, uu sii dhaafay oo musqusha ayuu galay, gidaar hortiisa ah ayuu farta ku fiiqay isagoo tilmaamaya halka lagu aasay maydka Hayle Selaase. Waa la jebiyey gidaarkii oo laga soo saaray saxaaraddii uu ku jirey qalfoofku.

Haddaba ninkii boqorka boqorrada sheeganayey ee Hayle Selaase waxa Musqushiisa ku xabaalay oo 16 sannadood ku dul kaadshayey mid ka tirsan kuwii uu u haystay addoomaha. Waa cilmi ilaahay wax in nagu tusayo una baahan in lagu cibaaro qaato. Ninkasta ama koox kasta oo tacddi iyo isla weyni ku dhaqanta waxa u dambayn ifka oo ay ku dulloobaan iyo cadaab Aakhiro.


hits Hits : 1601