Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey

Monday - December 10, 2018



Waxaa la yiri Nin ayaa Eygiisi u jeclaa ku xabaalay qabuuraha islaamka, kadib Musllimiinti oo ogaatay falka u ninkaas ku kacay, sida awgeed waxay qaylo dhaan u abaareen Qaaligi magaalada oo ay ku dacweyeen ninki.

Qaaligi ayaa markiiba isagoo xanaaq kula dhacay warki loo sheegay, wuxuu amar ku bixiyey in Ninkaas karaama darada ku kacay maxkamada deg deg la horkeeno si loo marsiiyo ciqaabta u mudan-yahay.. Qaaligi ayaa Ninki su'aal weydiiyey oo yiri: War daalim-yahow, maxaa kugu kalifay anshax xumida oo Aad Eeygaaga ugu xabaashay Qabuuraha islaamka.
Ninki ayaa isago is daafacaya yiri: Qaali Eeyga isaga ila dardaarmay oo igu yiri ha laygy xabaalo qabuuraha islaamka .. Qaaligi oo ka careysan jawaabta u bixiyey ninkaas ayaa yiri: waryaa ma anagaa nagu jees-jeesteyneysa oo aad nagu ciyaareysa .. Ninki ayaa markiiba jawaabay oo yiri: Qaali Eyga wuxuu kalo igala dardaarmay in qaaliga aan siiyo 1000 dirham .. Qaaligi marku warki ninka maqlay ayuu yiri: Marxuumka alla ha u naxariisto.

Dadkii maxakamada goob jooga ka ahaa ayaa dareenkoodi kacay oo la yaabay sida Qaaliga markiibka ugu xuub-siibtay dhinaca xumaha iyo musuq-maasuqa.

Qaaligi oo arkay guuxa dadki hoolka maxkamada ayaa dadkii ku yir: ha la yaabina, marki hore islaamka u Aargud baan lahaa, laakiin markaan raad-guray qaabka dardaaranka Eyga u dhacay, waxaan ogaaday inu Eygaan nasabadisa fir ka soo jeedo jiilki Eygi ka mid ahaa Asxaabul Kahfi ee Eebe ku soo rogay Raxmadi iyo Naxariistiisa
Dadkii oo la yaabay taa u la yini Qaaligi ayaa ku hadaaqay: Qaaliyow Waxaad tahay noo sheegtay ee Maca-Salaama.
Akhristow, Waxaa maanta somaliya ka socda waa Musuq-maasuq ceynkaas oo kale oo har cad Suuqa si xarago ah ugu lugeyneysa aan xishooneyn .. waana arkidoonta finaalka Mooshinka waxay ku dhamaan-doonta sida qisadaan

hits Hits : 5487