Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Jaceyl Iyo Lacagta Keebaa Awood Badan .. Gabar U Dhalay Billionaire Biil Gates Oo Caashaqday Wiil Musllim Ah

Tuesday - July 11, 2017


War xiiso leh ayaa lagu tilmaamay in wiil u dhashay dalka Masar, laakiin ku nool cariga Mareykanka oo la yiraah Nayel Nasser 26 sano jira u la saaxiibay Gabar u dhalay ninka dunida Nambar 1 Ugu Taajirsan oo la yiraah Biil Gates, gabadhaaso oo iyadana magaceeda lagu tilmaamay Jennifer Katharine Gates 21 sano jirta, ayaa la sheegay in jaceylka wiilkaas u haleelay kadibna si lama filaan ah gooni ula baxday, iyado leh xabiibi Jaceylkeygu waa dhab oo Ciida ayaa ila dhaqaaqday wadajirna ka dalabtay inu la socdo, isaguna waa wiilkiiye u markii hore qaadan-waa ku noqotay ayuu markii dambe ku dhiiraday oo yiri: Gacaliso waan hubaa in aan ku qanacsanahay Joogaaga, jamaal-kaaga iyo waliba hanaanka jalaq-sanaantaada .. Gabadhaas Jennifer Gates waxay wiilkaas dhawr jeer ku wada kulmeen iskuna wada barteen goob fagaaro tartanka orodka Fardaha (Equestrian Sentre) oo ay xubin ka wada yihiin, waxayna markasta si cajab ah isha ula raaci-jirtay faraskaas wiilku ku bartamaayo goortu xubnaha kala baxsho xawliga xuuftada u boodo iyo xawaaraha la yaabka leh u sameeyo, taaso keentay in wiilkaas markasta oo ay aragto ku dhihi jirtay: Macan marna ha iga dheeraan.

Maal-qabeen Bil Geats oo jaceylka gabadhiisa wax ka ogaaday iyo wiilka ay wadato, wuxuu gabadhiisa ku yiri: Aabo Jaceyl iyo lacag markii si xaq ah loo misaamo jaceylka ayaa awood badan.. Aabo hantida aan leeyahay hadaan ka dhinto maanta adiga ayaa iska leh .. Aabo caashaqu waa damac dooq daba -yaal, waxaad dooraty wiil Masaari ah waxba kama qabo ee ku dansh-daanshoo dhulkaaga Iyo Lacgtaada.
Billionaire Bil Gates oo ah the Richest Man in the world, estimated lacagtiisa net worth waxaa lagu Qiyaasa 78.1 Billion.

hits Hits : 11270