Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay

Wednesday - January 15, 2020



Ninki dilay Xamza Bin Cabdi Mudalib, waxaa loogu yeeri jiray " Waxshi" oo micnaheedu yahay "Dugaag" wuxuna ahaa nin Madaw oo si xun loo adoonsado asalkiisu ka soo jeeday cariga Xabashida .. Aabihiis iyo Awoowgiis waxay ka mid ahaayeen halyeeyadi u daagalami jiray boqortooyada xabashida ee mudada dheer dhulka carabta ka talin jiray .. Awoowgi oo xaga diinta kirshtanka Taqi ku ahaa, waxaa u ahaa ku xigeenka Abaandulihi ciidanki Maroodiga ee ku soo duulay Maka si ay Kacbada uga sifeyaan Sanam-yadi lagu caabudi jiray .. Awoowgiis wuxuu ka mid ahaa Ragi waqtigaas "Deyran Abaabil" ku xasuuqday duleedka Maka

Waxashki amase Dugaagi, waxaa dhawr jeer lagu kala iibisaday Saylada cabiidiinta, waxaase marki dambe iibsaday nin la oran jiray Jubeyr oo ahaa nin ganacsada ah .. xiliyadaas Qureysh iyo Carab oo dhan colaad joogto ah baa ka dhex oogneyd, Dabadeed sidii loo joogay Maka waxaa ka bilawday qalalaase ka dhashay sanam-yadii la caabudi jiray oo la isku khilaafay .. Nabi Maxamed bin Cabdillaahi CSW oo ka dhashay mid ka mid ah qoysaska Qureesh ugu sarreeya ayaa isla soo taagay cibaadada Sanam-yadu in ay tahay baadil ee la caabudo ilaaha weyn ee waaxidka ah. Arrintu waxa ay abuurtay argagax iyo sas .. taladii iyo midnimadii carbeed ayay ka la tuurtay, waxaana loo qaybsamay laba col oo aan is-bixin 

Nabi Maxamed CS wuxuu ku daalay Maka, wuxuuna degay magaalada Yatrib oo kolkaa ka dib loo bixiyay Madiina. Dabadeed Qureyshi waxa ay noqotay laba awoodood oo isu tookhaya .. Waxash marar badan ayuu damcay inu ku biiro kooxdi Nabi Maxamed, laakiin waxuu is tusaaleeyey iney yihiin koox yar oo dhawaan iska baabi'i-doonta .. muddo kadib waxaa dhacaay dagaalki Badar, waxayna halkaas Muslinki ku gawraceen Hormoodki Maka intoodi badneyd, dhacdadaas oo Qureyshtu Maka ku abuurtay utun aad u xun .. Raga ay maalintaa Muslinku qoorta ka jareen waxaa ka mid ahaa Duceyma oo adeer u ahaa ninka adoonsada Waxshi ee la oran jiray Jubeyr .. Jubeyr dilka adeerkii aad iyo aad buu uga murugooday, waxa uuna Qureesh horteeda nidar kaga galay in uu u Aari doono. Ha ahaatee Jubeyr ma ahayn nin dagaal-yahannimo lagu yaqaannay, isla markaa waxa uu ahaa jir ahaan nin itaal yar. Magaciisa oo dhami waxa uu ku taagnaa dhaqaalihiisa oo wanaagsanaa.

Qureyshtii reer Maka waxa ay guddoonsatay duullan ay ku qaaddo Madiina iyo jabhadda Maxamed si ay ugu soo aarto Ragii qiimiga badnaa ee Badar lagaga laayay .. Dharaartii loo dareeri-lahaa dagaalka kooxda nabi Maxamed lagu qaadayo ee Ragii Badar loogu soo aarayo habeenkeedii laba ruux oo Maka muhiim ka ah baa Buulki yaraa ee Waxashka ugu yimid, mid waxay ahayed haweyne la oranaayey Hinda oo ahayed Ooridi Abuu Sufyaan oo ahaa madaxi qureyshta .. Hinda Aabbaheed Cutba, walaalkeed al-Waliid iyo Dumaashigeed Sheyba saddexdaba waxaa lagu dilay goobtii Badar. 
 
Hinda habeenki waxay Waxash ku tiri:”Waxshiyow, na-bogsii oo bogso! ii soo dil Maxamed adeerkii Xamze, waxa aad dunida doontana waad iga helaysaa... Waxashki wuxuu ajiibay codsigi Hinda , sidaas oo kale waxaa habeenki isna soo booqday Ninki adoonsan jiray Waxashka ee Jubeyr oo isna ku yiri: Aroorta waxaa dhaqaaqaya Col adag oo fallaagada Maxamed lagu soo laynayo oo Ragii Badar loogu soo aarayo ee Na raac oo adeerkay Duceyma ugu soo aar Maxamed adeerkii Xamze, dabadeed waan ku xoreeyay .. Waxashki oo warkaas marku maqlay necaawo macaan oo saafi ah ayaa sambabadiisa gashay ayaa ku jawaabay: Soo xuriyadeydu intaa ku ma xirna, waxaana loogu jawaabay Haa .. Dagaalki oo la isku ba'ay kana dhacay buurta caanka ah ee Uxud birta ayaa danantay oo labadi dhinac gorada ayey is gashatay, hasa yeeshe Hinda intaa dagaalku socday oo u tafa-xayneyd hees gubaabo la daba taagneyd waxay isla markaa iisha ku haysay Waxshki oo ay ku lahayed:Waxshiyow na bogsi oo bogso .. Sidaa si la mid ah ayuu isna Jubeyr isha ugu hayey oo Kolba u lahaa: Maanta Waxshow waa maalintii aad dib u dhalan lahayd aniguna ciil-bixi lahaa.”

Waxashku inkastu si gaara ugu raad joogqy dhaq-dhaqaaqa Xamza, waxaase goobta uga muuqday Nabi Maxamed CSW oo sida qorraxda goobta uga dhex muuqday .. Cumar oo midig iyo bidix seefta u laba-rogaya iyo Cali oo durba gacantiisa iyo seefta xinjirtu dhamuuqday .. laakiin Waxashku, wuxuu intaa naftiisa ku lahaa maanta waxaan is mudaneynaa halyeygii Qureesheed .. dagaalyahankii magaciisu dhulka carabta wada gaaray .. ninkii aan weligii la arag isaga oo aan hubaysnayn .. ninkii aan weligii riddadiisu dhulka u dhicin .. ninkii kolkii uu muslimay loo bixiyey ”Libaaxa ilaahay” Haa Aarkaas ayaan ka baqaya inu idilo. 
Ugu Dambeysti Waxashki oo intaa ku hayey Mee Xamse? ayaa marki dambe intu u dhawaaday hootadisi inta gilgilay oo gilgilay ku si daayey gumaarka ka gashay Xamza ..  laakiin Xamza isagoo Seef dhiig la casaatay gacanta ku haysta dhawacna ah ayuu xaga Waxashki u soo dhaqaaqay, laakiin markiiba waa dhacay oo is barkaday .. Xamse in uu dhintay reer Maka waxa ay u la mid ahayd in awooddii muslinku dhab u jabtay .. dhinaca kale Abu sufyaan meydki Xamza inta uu iskor taagay oo seefta ku muday ayuu yiri: Dhadhami Caasi-yahow, sido kale Hinda ayaa meydkiisi inta dooxday beerka kala baxday cuntay oo carabkiisi, sankiisi iyo dibnaha ka dhigatay Kuul la xirto .. Nabi Maxamed oo Xamza u ahaa kan u ugu jecla raga Falkaas aad iyo aad bu uga xumaaday

Ugu dambayn iyo sanooyin dambe Nabi Maxamed CSW oo duullaan ah oo guutooyin iyo gaasas camaadiyo leh wata ayaa Maka soo dul fadhiistay .. Hormuudkii reer Qureesheed oo Abuu Sufyaan ugu horeeyaa waxaa u caddaatay in waqtigii dhammaaday oo aan awoodda muslinka loo babac dhigi karayn. Qaar badan oo ka mid ahi waa ay muslimeen, kuwoodii kalena waxaa la bilaabay waan-waan la doonayo in ay nabad isu dhiibaan .. si walba ha ahaate Waxshi wuxuu go'aansaday in inti meelahaas lagu dooxi lahaa oo si bareer ah isugu dhiibo Nabi Maxamed .. wuxuu abaaray goobti nabi maxamed CSW joogay, oo dabadeed nabigi maqashiiyey Ashaadada Diinta lagu galo .. dabadeed nabigi ayaa yiri: Ma Waxshi baad tahay, wuxuu ku jawaabay Haa oo waxaan ahay Waxshi .. nabi Maxamed CSW ayaa wax ka weydiiyey dilki Xamza .. kadib Nabi Maxamed ayaa yiri: War iga hor dhaqaaq oo mar dambe aragaaga ha i tusin .. Waxshi ilaa inta nabiga noolaa ma soo istaagin meel u ka arkaayo oo wuxuu markasta dhawri jiray in aragtiidiisa u ku xasuusto Xamza 

Maalintaa ka dib Waxshi wuxuu ahaa nin muslim ah oo maalinta ay xuntahay ka qayb gala Jihaadka gaar ahaan wuxuu ka mid ahaa ragi galay goobti Yamaama ee Abubaka ku jabiyey murtadiinti ka noqotay diinta .. goobtaaso oo u Waxshi ku dilay ninki kibirkiisu gaarsiiyey in uu nabi-nimo sheegto ee lagu magacaabi jiray: Museylama Al-Kadaab.
Ugu dameysti Waxshi isago si xun ugu soo dhaawacmay dagaaldi Roomaanka oo sambabadu dal-daloolmeen neefta docaha ka baxeyso ayuu ku geeriyooday magaalada Xumus ee ku taal Siiriya arlada Shaam .. waxaa hadalkiisi ugu dambeysay: Eebo Silic aad u badan baan dunida ka soo maraye, Eebbow jannada ii ogolow oo ii waasici .


hits Hits : 3929