Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 18 March 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay

Thursday - December 2, 2021



Taariikhdu Waa Sheeko Iyo Taxane Soo Yiilay .. Maalin Maalmaha ka mid ahayed oo ku beegneyd sanadkii 1953, waxaa magaalada Beyruut ee cariga Lubnaan ka dhaceysay xaflado la bilay iyo dabaaldag is daba-yaal oo lagu xusaayey Mawliidki subane Nabi Maxamed mahad iyo maamusba iska leh, waxaana halkaas farxadi dhalshada awgeed dadka qaarkiis sida caadada u ahayed watigaas ay ridayeen Rasaas tacshiirada ah oo cirka loo ridaayey, hasa ahaate xabadihi la ridaayey mid ka mida ayaa haleeshay Gabar Masixiyad ah oo agagaarka gobtaas mareysay, waxayna rasaasti ka qabsaty madaxa.

Gabadhi oo dhaawac ah waxaa loola cararay isbitalka weyn ee magaalada Byruut, laakiin takhaatirti halkaas gabadha ku baareysay, waxay cadeeyen in gabadha sida wax u gaareen aan sinaha wax looga qaban-karin, sidaa darteed ehelki Gabadha dhalay waxay marki dambe ula carareen Isbitaal kale oo ku yaal Jaamacada Beyruut oo si gaara ay u maamulaan Takhaatiir Marekan Ah.

Takhaatirti Mareykanka oo markaas ka kobnaa illa afar Takhtar, baaristoodi kadib waxay isku raaceen in gabadhaan laga quustay, horana isbitaalki hore looga gacan taagay, balse saacad kadib dhimaneyso, waxayna isku raaceen in hooyada gabadha oo markaas qolka dibada ka joogta ay qolka soo gasho si ay u si sagootiso gabadheeda oo iilka u socota .

Hooyada Gabadha dhashay, oo masiixiyad ahayed ayaa inti lagu hawl-jiray la tacaalida badbaadada gabadheeda, waxay ku jirtay oohin iyo murugo culeys badan saaran-tahay iyadoo halkaas tiic-ticada murugada gabadheeda la toogtay dareenkeeda u gudbineysay Nabi Maxamed CSW oo ay ku lahayd: Ku aaway Maxamadow .. iisheydu waxay la gureysa tiiraanyo .. Maxamadow kaali shaahid ka noqo wixii waxaa dhigay iyo waxa ay umadaada geysatay .. Maxamadow Gabadheydi waxaa dily muslimiin adiga dhalashaada u dabaal-dageysa ee ku aaway maxamadow Rasuulki musllimintow .. Ee ku aaway maxamdow oo garta ma nooniqi-karta

Hooyadi oo ilmada shubeysa, ba'ayey isla taagtay hadba dhinac u dhaceysa, waxaa u soo baxay Taakhaatirti gabadha la tacaaleysay mid ka mida oo ku yiri: Tacsi baan ku gudbinayaa ee samir iyo iimaan, Gabadhaada Saacad kadib naftu wey ka baxeysa ee kaali u tag oo diintaada masiixiga ugu laqim siina maca-salaameh .. hooyadi oo murugeysan ooyineysa ayey qolki gabadha hal-haleel ku gashay, mise waxay la kulantay gabadhi koomada ku jirtay oo soo kacday kuna qaylineysa: Hooyo, hooyo albaabka xir .. hooyadi oo yaaban hadalka gagabineysa oo is leh miyaan dheeley-sanahay, mise waan dhadhaabaya ayey gabadhi ku tiri hooyo maxaad aragtay oo dhacay .. Gabadhi ayaa tiri: hooyo waxaa ii yimid Nabi Maxamed oo gacantiisa madaxa iga saaray kadibna waan caafimaaday, oo wakaas irida ka sii baxaya. 

Hooyadi ayaa isla markiiba farxad la ooysay rumeysan weyday sida wax u dhaceen, waayo isma ay lahayen si sahal ah ayey murugada ay ku jirtay uga baxeysa, oo waxay arki-doonta gabadheeda oo caafimaaday, waxaase nasiib wanaag ah oo mar qura badaly xaaladi ay ku jirtay gurmadki xag alle uga yimi, halkaasna xaqiiqadi ay weligeed dafri-jirtay ay maanta xaqiiqsatay .. Ugu dambeysti hooyadi iyo gabadheedi iyagoo cidina khasbin halki ayey ku ashahaateen, iyadoo isla mar ahaantiina ay halki laba takhtar iyaguna Rabi ka dhawaajiyey oo u xuub-siibteen islaam .. Akhristow Waxaa Doonto Sheeg Waa Hadiyad Eebe U Gartaiyo Hodan Barwaaqaade




 

 

hits Hits : 4131