Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey

Saturday - July 4, 2020




Shir Maalmo uga socday degmada Galdogob beelaha wada dega galbeedka gobolka Mudug gaar ahaan Sacad iyo Leelkase ayay heshiis ku wada gaareen labada dhinac ..Heshiiska waxaa kamid ah in labada beelood wax-yaabihi kala gaaray ka gar-naqsadaan, isla markaana Mag ku kala qaateen 26 qof oo kaga dhimatay colaadii jaahil-nimada ee u dhexeysay labadaan Reerood .. Xajmiga Ergada shirka ka soo qayb galay labada dhinacba waxaa hormood ka ahaa Guurti xul ahayed, Gar-madoobayaal iyo Guud Cirooli, jilba culusta, waxaa kalo halkaas ku weheliya Aqoon-yahano waayo arag ah, Haween iyo gaar ahaan dhallinyaro darban, oo dhamaantood ka qayb qaatay xaflado is daba-yaal oo ka dhacay degmooyinkaas.
 
Qodobada ugu horeeya ee ajeendada shirka waxay ahayed in la gaaro sababihi keeni lahaa Nabad waarta oo ay ka mid tahay Magta oo la kala qaato .. Magta Iyo Amaanka waa laba shay oo wada socda iskuna xiran, waana laba shay oo qaali ah oo aan la'aantood horumar la gaari-karin .. Nabada iyo Amaanku waa qaali, laakiin Nabad dhinac kaliya ka dhisan nabad ma aha.

Magta qofkiiba ayaa lagu qiimeeyay 33,000 oo doolar, iyadoo qeybta hore maanta odayaasha labada dhinac kala qaateen lacag dhan 10,000 oo doolar, waxaana qeybta dhiman lagu balamay in lagu dhameystiro magaalada Gaalkacyo.

Ka sokow, odayaasha dhaqanka labada beelood, sidoo kale shirka waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan oo wajigii kowaad lagu qabtay magaalada Bandiiradley ayaa hadda fadhiyo kala duwan ay ka socdaan degmada Galdogob .. dhinacyada Ayaa si weyn ugu han-weyn fulidda qodobada ay ku heshiiyeen beelaha ood-wadaagta ay ee mudada dheer khilafka soo kala dhexgalay.




hits Hits : 3676