Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 March 2017

WikiLeaks .. Dibnihi Shakalaa Oo Daaha Ka Qaaday Wixi Kala Gaaray Siyaad Bare Iyo Salad Gabeyre

Friday - November 25, 2011

Akhristow Taariikhda waa sidi xarig taxan oo is daba-yaala dhacda kastana waxay leedahay xasuuteed, oo dharaar waliba hadal haynteeda socoto .. maalin kasta oo ku soo marta waxay kaaga tagtaa xasuus iyo taariikh gaara faraxd iyo mrugo mid uun .. masuul kasta oo wax qabta taariikhda ayaa xusta, sidoo kale masuul kasta oo qaloociya ama wax wanaajiya taariikhda ayaa sheegta.

Akhristow anigu ma ahi qoraa taariikheed oo ileys weyn ku ifiya xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka taariikheed ee daahsoon, horay kuma aan tala galin inaan isu taago ka qayb galka hadal haynta xasuusta geedi-socodki taariikheed ee ku taxnaa jabinta siraha qufulan oo gaar ahaan ka hadleysa waxyaabihi kala gaaray general Maxamed Siyaad iyo General Salaad Gabeyre oo ugu dambeyn Salaad iyo wixi jaal la ahaa geemkii socday looga adkaaday .. il-biriqsi bey igu dhalatay inaan arinkaan runta ka sheego oo mudo dheer aan shib ka ahaa , waxaana arinkaan maanta inaan u qalin qaato igu kalifay markaan arkay dhacdada taariikhda oo la marinaayo  dhabo khaldan iyo meel xaqiiqadu oolin isla markaana u si gurguuraneysa muranka aan xaqiiqada ku fadhin ee meel iskaga beerka ah, waxaana xaqiiqa ah in dhamaateen xil naga saaran-yahay ubadka iyo ubadka ay sii dhali-doonaan uga tagno waayo aragnimo, aqoon iyo taariikh qoran, haddi jiilashaas aan lagu barbaarin taariikhda dhabta ah oo loo sheegin wixii shalay jiray, waxaynu halis u nahay in aynu raadkeeni qaska mar kale dib u raacno oo aynu hada saan uga baxno aan garan la'nahay .

Koleyba haddi aan maanta is-iraahdo taariikhda sida aad jeceshay u dhig ma u dhigmeyso, igamana aha waxbaan qoray iyo i-maqlaay, balse waqtigi oo fogaa awgii inkasto aan in badan  ka abaarsaday xaga xasuusta waxaan qoraayo waa waxaan ka agdhawaa amase aan daliil cad u hayo,  qofkii rabana qoraalkaan tixraac taariikheed waa ka dhigankara ama wixii u is-leyahay waa ka dhiman-yihiin waa u ku dari-kara, maxaa yeelay taarikhdaan cid waliba wey khuseysa kii si kalese u duwa waa yeelki, waxaanse ka afeefanaya ereyada istabceynta, tafaraaruqa ee hal hayska iska noqday sida; reer hebel buu u dan leeyahay iyo waa hadaaqaya waa dhex fariistay iyo Rag bey meeli bugtaa.

Awalan: General Salaad Gabeyre oo intaan inqilaabku dhicin ahaa gaashaanle dhexe (Lt. Col.) waxuu si gaara xiriir sokeeye la lahaa sodogi madxweyne Aadan Cabdulle Cismaan oo u ka qabay gabdhiisa Fadumo Aadan, horana waxuu u guursaday fanaanada caanka Daleys Cabdulaahi oo famil dhaw la ahayd Maxamed Siyaad sidaa daraadeedna General Salaad waxuu ahaa sarkaal ka tirsan kuna hagoogan jiritaanka siyaasada iyo ilaalinta nabadgalyada madaxtinimada madaxweyne Aadan Cabdulle .. Salaad waqtigaas ma ahayn sarkaal mar uun ku fakaray amase u hanqaltaagay in dalka xukunkiisa ay la wareegaan Milarariga sababta xusan awgeed halka Generaal Maxamed Siyaad uu ku hawlanaa shaxda khidadaha xukunka dalka lagu marooqsan-karo .

Kadib markii madaxweyne Aadan Cabdulle laga helay doorashadi madaxtinimaddi dambe  oo xilkii kursiga ku soo wareegay Cabdirashiid Cali Sharmaarke .. dabadeed Salaad Gabeyre waxuu bilaabay inu mucaaradka dawladaan cusub durbaanka la tumo oo hagoognaanti iyo siyaasadi ahayd madaxweyne Aadan Cabdulle ka ilaali inqilaab lagu sameeyo halkaas ayey uga dhamaatay.

Generaal Siyaad Barre oo ku hawlanaa dabinka inu soo xero gashado saraakiil isaga si gaara mustaqbalka  ugu sacb tuma kalana shaqeysa gogol-xaarka afgambiga u damacsanaa .. Siyaad oo horay uga gamban-jiray inu afka la galo Salaad Gabeyre ku xirnaashihiisi dawladi Aadan Cabdulle Cismaan awgeed, waxuu markaan arkay Salaad Gabeyre oo gocasho iyo ciil afka ka xumbeynaya ka xun siyaasada sirgixan sodogi Aadan Cabdulle looga adkaaday .. sidaa darteed Siyaad Bare waxuu taarget ka dhigtay inu sarkaalkaas laynka inqilaabka soo galiyo ugana faaiideysto hawlgalka hore ee inqilaabka si saraakiisha iyo askaraha beelaha qaarkood ee ciidamada markaas u badnaa aysan uga shakin dheeli-tirka saraakiisha wadata inqilaabka

General Siyaad in badan ayey ku wada kulmeen Salaad Gabeyre meelo mugdi ah oo xarig guntan laysugu dhiibay iyo maalinoo dhan isu baaq joogta ah, waxuuna Maxamed Siyaad isaga oo ka faaiideysanaya hibada alle u siiyey  soo jiidashada dadka iyo irbada gubaabada sida la isugu mudo waxuu awood u helay inu Salaad sheekada damaca afgambiga uu kala dhig-dhigo una qurxiyo, deeqsiiyo kuna qanciyo aragtidiisa hanashada xukunka dalka oo uu bandhigay in loo baahanyahay in saraakiisha yar yar sida Salaad oo kale ay dalka fasahaadka ka jira ka badbaadiyaan isagoo waa Siyaad Barre  markaas isugu muujiyey Salaad inusan isagu damac ka hayn xil madaxtinimo oo uu hawl-gab yahay balse u maqsuud noqon-doono mar haddi afgambigu ay hogaaminayaan saraakiil da' yar oo cirbaha silsilad ka gasha kuwa karaamadi iyo magaci Somaalida maamul xumida ku dakhray
General Salaad oo uu muuqday sarkaal mala-awaalkiisa ku khatalmay iyo mac-nawiyaadka  fahmka ninka uu heshiiska la galayo, Waxuu hadalka Siyaad Barre uu araky iney tahay mashruuc fursad wacan oo uu wacdaro ku muujin-karo, waxaana u soo baxday sawir ah iney tahay jaanis u mustaqbalka hormood ku noqon-karo oo halkaas General Siyaad Barre  golaha  Tawrada maalmaha ugu horeysa isagoo sidi qori daad wato haluul uga baxo .. laakiin General Siyaad Barre oo aqoon fiican u lahaa baf-bafta damaca Salaad iyo hankiisa fog si xeeleysan oo aan la garan ayuu uga gaashaantay

Hadaba iyadoo heshiiskaas labada dhinacba midba dhinciisa si gaara u fahmay oo mid walba ajeendadiisa uu qarsoontahay, waxaa curatay tawradii 21oktoobar 1969 .. Ma daama bulshada shacabka durbaba aysan garan ciida inqilaabka Tawrada hogaamineysa, hasa ahaate markiiba isha waxaa lagu dhuftay Salaad Gabeyre oo gaarigi milatariga hawlgalinta ciidamada dusha ka saaran .. isla markiiba waxaa shacbka dhexdiisa iyo guud ahaan milatariga dhexdiisa ku shaac baxday in saraakiil laga gartay Salaad Gabeyre ay ka mid yihiin colka inqilaabka wata .. laakiin waxaa xusid mudan waqtigaas Salaad wax ciidan uu hogaaminaayey ma jirin oo amar toosa ka qaadanaayey .. xarumaha ciidan meelkasta oo ay joogaan waxaa haystay saraakiil toos uga amar qaadaneysey Maxamed Siyaad oo halkaas Col. Salaad inkasto uu hawl galinaayey ciidamada haddana awaamirtiisa waxay ahayd mid xadidan oo ogolansho ahaan ku soo noqoneysey Siyaad Barre .. Matalan Salaad Gabeyre  marku amar siiyey Taliyihii ciidamada Waqooyi Hargeysa general Maxamed Cali Mire inu gobolka qabto kama yeelin illa uu Maxamed Siyaad raadiyaha halawga kala hadlay oo  yaqiinsaday inu isagu hawsha inqilaabka wato .. sidaas oo kale ayaa saraakiishi xeryaha ku sugnaa ay ka digtoonaayeen awaamirta gaarka ee Salaad bixinaayey oo si toosa amarka ugu dambeeya ay ka qaadanayeen General Siyaad Barre.

Halkaas waxaa kaaga cad inkasto shacabka mogdisho ay ku tirinayeen Col.Salaad Gabeyre inu yahay laf dhabarka inqilaabka haddana sida runta ah Salaad laf cad ayuu toobin ku hayey, waxaana taas dalil uu ah in xitaa markii la qorayey liiska xubnaha golaha Tawrada oo markaas ka koobnaa 25 sarkaal ma jirin wax laga ogeysiiyey, lamana tixgalin codsigiisi ahaa inu wax ka diyaariyo liiska xubnaha .. ugu dambeystiina dhismihi golaha wasiirada isagoo aan lagala tashan ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga taaso ay ku noqotay filan-waa, waayo waxuu uu hanqaltaagay oo isku tirinaayey in loo magacaabo taliyaha xooga dalka si u awooda dalka wax ugu yeesho

Wax isku shaandheyn Siyaad Bare Taliyihi Xooga waxuu u magacaabay General Maxamed Cali Samantar ku xigeena General  Cabadalla Maxamed faadil (carab-somaali ) oo loogu xishay kuwa aan saameyn iyo is badal ku sameynkarin awooda General Maxamed Siyaad markii loo eego beelaha ay ka soo jeedeen oo aan muraad ka lahayn kursiga madaxtinimada dalka, waxaana xusid mudan labadaas sarkaal lafahaan-tooda horay ma jirin wax kaalin milatari oo ay ka ciyaareen inqilaabki dhacay oo labadaba ma ay haysan ciidan ay ku hawlgalaan hasa ahaate fikir ahaan iyo qorshaba sheekada Maxamed Siyaad wey kala socdeen, waxay ahaayeen saraakiil Waaxyo xafiis haysta sida Maxamed Cali Samantar oo haystay Waaxda Isportiga ciidamada.

Markii xubnihi golaha tawrada qaarkood laga dhex magacaabay wasiiro qaarkood saluugmo ayaa gashay oo waxay uu qaateen in qaybsigi awoodi xukunka laga fogeeyey .. sarakiisha ka hor yimid magacaabistaas waxaa ka mid ahaa General Salaad Gabeyre iyo Col. ismaaciil Cali Abukar oo isagu waa ismaaciile caro awgeed gurigisi  xerada xalane ku yiil isku soo xiray oo diiday inu uu dhaarto wasiirka warfaafinta markaas loo magacaabay, hasa ahaate korneyl Axmed Saleemaan oo qabay Ina maxamed Siyaad iyo korneyl Maxamed Cali Shire oo ka mid ahaa golihi sare ee kacaanka iyagoo daadihinaya goor galaba ay u keeneen Maxamed Siyaad  halkaas labada dhinac ay maslaxo iyo heshiisiin dhex dhigeen, waxay kalo isku afgarteen in dhaq-dhaqaaqa u wado salaad meel uga wada soo jeestaan, waayo Maxamed Siyaad ma rabin inu isku furo foronto labaad oo ismaaciil Cali Abukar hor boodaayo illa inta ay kala baxayaan Salaad Gabeyre.

General Salaad markii loo magacaabay wasiirka gaashandhiga loona dalacsiiyey darajada Jeneraal waa u dhadhami-weysay waxuuna u arkay wasiir-nimadaas mid maqaar-saar ah oo looga fogeynaayo ciidamada qalabka-sida sidaa darteed waxaa ku dhacay amakaag, dhaban-hays oo dhinaci dhul dhigi- waayey isagoo sii yaqiinsaday kuna baraarugay inusan sina Siyaad Bare duruufta jira wax ula qabsan-karin oo halkaas hankii u ka qabay inu dalka wax ka xukumo hungo uga timi, waxuuna bilaabay inu afkiisi qaban-waayo oo dhiilo si hoose kula dhex dhacay xubnihi golaha sare oo mid mid dhinac ula faqay isagoo leh ninkaan ina Siyaad intusan na wada rogin oo korka naga fuulin aan iska qabano oo ajeedooyinkiisa aan ka dhan noqono, laakiin intooda badan xubnaha golaha wey la soo humbaaleyn-jireen warkaas Salaad ula yimid  .. illa markii dambe la gaaray in fadhiyada golaha sare laga qarsado oo aan loo sheegin in fadhi jiro .. Maxamed Siyaad fadhiyaadaas xubnaha golaha shirka oo inta badan maalin dhaaf joogta ahaa waxuu hadba xubnaha shiraya dhinac uga yimaadaba, maalinba geed ku soo gabadaba ayuu ugu dambeyn waxuu xubnihi golaha ka saxiixday inu awood buuxda u yeesho inu siduu rabo wax u maamulo isagoon kula soo noqon codka xubnaha golaha sare ee kacaanka, waxaana qodobka ajeendadaas in la meel mariyo golaha hor keenay general Maxamed Cali Samantar oo sidaan filaayo hoos ahaan ay isku ogaayeen Siyaad Barre .. General Salaadna shirkaas loogama yeerin, oo waxaa laga baqay inu mooshinka  carqaladeeyo, maxaa yeelay dhawr ka mid xubnaha golaha sare ayaa ra'yi ahaan wax la qabtay oo ay ka mid ahaayeen general Maxamed Ceynaashe iyo general Maxamed Shiikh Cisman iyo kuwa kalaba oo hadda aan xasuusneyn .. hasa ahaate Salaad waxuu horay uga qayb galay doodi golaha ay ku falaaqeynayeen sharciyadi deg-dega gaarka ee khiyaamada qaran " sharcigi maxkamada badbaadada" oo inta badan ku saleysnaa dil iyo xabsi daaim, waxuuna ka mid ahaa xubnihi sida gaara ugu xiiqay in qodobada sharcigaas la ogolaado lana meel mariyo .. aduunkaan oo wata hogag iyo hoobaaqo qarsoon hadaan laga taxadarin kugu sara kaca ma jirin dareen uga digay Salaad Gabeyre in maalin maalmaha ka mida isaga lagu qaadi-doono sharcigaas u wax ka ansixiyey.

Laakiin general Siyaad fursad ayuu u arkaayey buuqa iyo xusul duubka u bilaabay Salaad oo waxuu markasta ku haminaayey intu caroodo u galo damac shirqool dabadeedna u ku qisaaso qodobadaas sharciga Salaad wax ka saxiixay .. General Salaad-na taas ma garan oo meelkasta iyo gidaar kasta sir xajin laa'aan waxuu u hawlgalay xusul duub uu ku baadi-goobayo taageero hil sidi Maxamed Siyaad la isaga qabn-lahaa .. General Salaad deg degiisi taxadar la'aanta ahaa waxay keentay inu fikirkii inqilaabka u gadahayey u afka uga galo dad laba wajilayaal ah oo aan sirta xajin-karin .. waxaa nasiib daro ahayd saraakiishi iyo dadweynihi u la faqayba uma ay aabo yeelin oo wixii war iyo xog u soo gudbin jireen Siyaad Bare

haddi aan wax yar ka taabto Siraha iyo xogta ay saraakiisha qaarkood u soo tabiyeen Siyaad Bare waxaan ka mid ahayd khidad u dajiyey oo sidaan ahayd .. waxuu plan-gareeyey in askarta kuruuga 3-da taangi oo madaxtooyada ilaalisa goor habeyna inta loo soo dhuunto la wada gawraco, dabadeed askar xula ah u carrbisan istacmaalka dagaalka taangiga ay toos ku weeraraan qasriga madaxtooyada ee Maxamed Siyaad deganyahay "Xarunti Afisyoone" oo halkaas ku baduugaan wixi nool oo gudha ku jira  waxaana xusid mudan Sarkaal laba xidigle Jii-jiifte oo madax u ahaa taangi-yaadaas la soo sheegay inu si qarsoodi ah ula kulmay General Salaad, waxaana durbaba loo qaatay inu qorshahaas baduug- weerarka laf dhabar u yahay, laakiin warka markii la helay isla markiiba Sarkaal Jii-jiifte meeshi waa laga badalay, oo waxaa badalkiisa la keenay laba xidigle Cabdi Makane .. laba xidgle Jii-jiifta waxuu ku jiray saraakiishi lala qabtay Salaad oo xabsi dheer lagu xukumay hasa ahaate sadex sano kadib waxuu ka mid ahaa kuwa badan oo cafiis loo fidiyey, markii dambana inta darajadiisi milatari loo soo celiyey ayuu ka qayb galay dagaalkii 1977 ee anaga iyo itoobiya .. sarkaalka oo taf ku ahaa hawgalka taangiyada markii igu dambeysey ma maqlin geeridiisa oo mar waxaa la ii sheegay inu Xamar ku sugan-yahay. 

Si Aan u soo koobo warkii oo dheeraaday .. General Siyaad Bare si u xalaaleysto taageerana ugu helo qabashada iyo dilka Salaad waxuu si ujeedo dheer ugu gogol-xaartay inu beesha Abgaal wax garad-kooda gogol gar ah u dhigto si uga ashtakoodo ma jaraha khaldan iyo majaxaabada u maleegaayo Salaad .. mana ahayn markii ugu horeysey oo uu shir la qaato gar-casta reerka wacysle Abgaal, balse tiro dhawr jeer ayuu ka codsaday in lala hadlo Salaad oo waxuu wado aysan galaafan , laakiin waxaa xusid mudan in inta badan Siyaad  u isagu sabab u ahaa in Salaad madaxa ku socdo harsana-waayo , maxaa yeelay dabagalkii iyo dooribeenkii NSS-ta ee cagta cagta u saar dhaq-dhaqaaqisi iyo Fake-nimadi wasiir aan waxba laga weydiin wasaaradiisa ayaa Salaad Nerfihisi kiciyey oo ka sii gadooday halka ay gaartay sheekada .. dhinacna kale Siyaad waxuu odayaasha Abgaal ka tusahayey in Salaad heshiis iyo qiil lagu kala bogsado laga keeno si u joojiyo damaciisa waalan, hasa-ahaate Salaad oo runti ahaa geesi hiil waayey, lagana xeel batay dul-qaadkiisa soo yaraaday awgii ma gareysan sheekada garta ay ula yimaadeen Odayaasha,waxuuna u muuqday nin taladi tolka aan maqal , taaso ahayd jaaniskii iyo sidi uu rabay Siyaad .. sidaa darteed sida Maxamed Siyaad turubka u shaandheyn-hayey waxuu u muuqday nin ay ka go'neyd in Salaad wardiga ha rogo, ha gar-qaato ama ha diido waa in sheekadiisa iyo hadalkiisu ka haraan .. cala ay xaal beesha odayaashi Abgaal waxa socday iyo geemka jiray ma ay garan oo waxay ugu dambeyn eeda dusha ka saareen Salaad oo ay ku sheegeen in labadiisi dhagood-ba dhukay ka buuxsameen oo ka awday maqalkii , waxayna Salaad ugu dardaar-wariyeen ereyga ah ninki soo joog laga waayo soo jiif baa laga hela sidaa darteed Siyaad marku ku guuleystay kala go'a Salaad Gabeyre iyo odayaashi beeshiisa iyo waliba inta badan xubnaha golihi sare ee kacaanka fursad ayey u noqotay inu si kalsooni qabta jeelka dhigo, waxaana qabashadiisa soo dadajisay markii Siyaad Bare shaki ka galay in Salaad Caano u kaban inu inta xafiiska ugu soo galo gacantiisa ku toogto isagoo isticmaalaya bistoolad had iyo jeer u xiraan-jirtay, waxaa kalo xarigiisa soo hormariyey markii laba sarkaal oo ka mida KGB-da Ruushka oo Mogdisho joogtay ay Salaad si hoose ula xirteen, labadaas sarkaal-na si hoose ayaa safarada Ruushka looga codsaday in ay dalka ka baxaan , waliba labadaas mid ka mida waxuu Maxamed Siyaad u ahaa la taliye xaga amaanka.

Sarkaalkaas KGB-da maalin maalmaha ka mida waxuu Maxamed Siyaad xafiiskiisa ugu keenay hadiyad ahaan Raadiyo weyn caadi ah oo ugu tala galay inu News-ka ka dhageysto, hasa ahaate waxuu ahaa raadiyo basaas oo sheekada madaxweynaha ka so tabiya una tabiya basaasiinta Ruushka .. Maxamed Siyaad raadiyahaas hawshiisa iyo waxa loogu keenay isla markiiba waa u gartay, waana u iska xiray isagoon weligiis qofna u sheegin .. raadiyaha waxuu warka qabtaa markii korantada la galiyo oo laga shaqeysiiyo .. koleyba anigu raadiyahaas markii loo keenayey Maxamed Siyaad historigiisa sidi loo keenay waan ogaa laakiin qisadiisa dhabta ah waxaan wax ka ogaaday 1985 markii xafiis aan joogay laygu keenay oo la yiri madaxweynaha soo dhiibay ee farsamo ahaan ka baar qalabka basaasnimada, iyadoo markaas la adeegsanaayey qalab ay keentay CIA-da ee lagu kashifo hawlaha noocaas ah, halkaana laguma soo koobi-karo Raadiyahaas noocyada  frequency war-qabadka ee lagu soo dhex rakibay  .. waxaana raadiyaha markaas laga soo qaaday xeradi madaxtooyadi hore ee Avisyoone oo u museum ahaan u yiilay.. waxuu Maxamed Siyaad Raadiyahaas ku xasuustay markii warbixin lagu siiyey deeqda qalabka warqabadka ay na siisay CIA-da .. Dawlada Ruuska qaybaheeda KGB iyo Xisbigii shuuciga midna kuma kalsooneyn siyaasada Maxamed Siyaad oo waxay u arkayeen inu dhagax aan bislaaneyn u karkarinaayo, hanti-wadaagiisuna u yahay sacab timo ka soo baxeen ..  waxaan la hureyn ayey dhihi jireen inu meesha ka baxo, laakiin waxaa meesha ku hayey oo loo mari-waayey wasiirkii gaashandhiga Ruushka Marshaal Greshkow iyo wasiirki beerha oo labaduba Maxamed Siyaad maskaxda ka haystay, hasa ahaate markii Marshaalkii dhintay wasiirkii beerahana booski laga qaaday Maxamed Siyaad xaga ruushka waa ka agoontoobay, mana helin masuul  Ruush oo kaalintaas u buuxiya.

Wixii ilaahay qoray lama joojin-karo general Salaad Gabeyre iyo laba sarkaalo kale oo maxkamadi badbaadada xukun dil ku qaaday waxaa lagu toogtay si public ah fagaarha dugsiga Poliska ku hor yaala taariikhdu markay ahayd 3-dii luulyo 1972-dii goor tobankii subaxnimo waxaana  tacshiradihi rasaasti lagu riday ka qayb qaatay horimo ciidan oo isugu jira milatari, Polis iyo ciidamada Asluubta jeelasha .. saraakiishi kale oo iyagana isla afgambigaas lagu soo eedeyey waxaa lagu kala xukumay xabsiyo mudo kala duwan hasa ahaate mudo aan filaayo  laba illa sadex sano kadib ayey intoodi badneyd ku soo baxeen cafis madaxweyne, laakiin sarkaalkii laf-dhabarka u ahaa hawlaha Salad iyo bas-baaseynta amase so dabida saraakiisha hoose ee la oran jiray Col. Xuseen Ganey isaga wax dambi ah laguma qaadin kadib marki u ka mid noqday markhaati-yaashi ku marag furay General Salaad, sidoo kale Col. Maxamed Shiikh Cismaan (Ex wasiirki maaliyada) isaga lafahaantiisa waxuu nafsadiisa ku furtay inu ku markhaati furo General Maxamed Ceynaashe .. Ugu dambeynti wixii maalintaas iyo dilki dhacay ka dambeeyey waxaa dalka gees ka gees ka bilaamatay in maqalka shanqarta kacaanka baqdin awgeed cabsi salal ah la qaado, edeb, astur iyo gudoon baaq kasta oo ka soo baxa gudoomiyaha kacaanka Jaalle Siyaad, waxayna hawshi dalka ay ku socotay amar iyo qaado hadalkeyga .. waxaan ku leeyahay maalintaas xita qaaxo nimey haysey cabsi awgeed waa qufici-waayey  .. odagi Jaalle Siyad-na loo tiriyey boqolaal heeso oo ay ka mid tahay Aaba Siyaadow noolow ma daallo na daadihi ... iyo Mahdigi naloo sheegayow iyo geesigi dalkiisa guusha u horseedayow iyo kuwa la mida.

Fiiro Gaara: Akhristow Ma daama qoraal dheer aan idin ku beer gooyey, waxaan dib u dhigay sheekada  halka General Maxamed Caynaashe Iyo Korneyl Cabduqaadir dheel iyo Maxamed Siyaad la iska qoonsaday ama ay iska arkeen iyo halka ay ka soo galeen sheekada Salaad Gabeyre, waxaana arintaa si gaar uga hadli-doonaa qoraaladeyda dambe .. mhashi1@hotmail.com

hits Hits : 20131