Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 23 July 2017

Silsiladi Taariikheed Ee U So Maray Gorgorkii Daaciga Diinta Fadilat Al-Shiikh Geesood Xaaji Ciisee

Thursday - Feb 12, 2015

Ummad waliba waxay leedahay astaan taariikheed oo jiritaan-keeda sugta .. Taariikh waliba haraa-geeda waa sidi xarig taxan oo leh xasuusteeda .. Masjidka Arbaca-rukun amase sida taariikh ahaan waxuu ku magacaabanyahay Masjid "fakhru-din" waxuu ku yaal mogdisha dhinaca xaafada xamar-weyne. waa masjid muuqaal ahaan iyo farshaxanka mixraabkiisa uu u sameysan-yahay si qurux badan il qabatina leh, isla markaana daawashadiisa dareenka qofka kor u qaadaya ayaa ka dhigeysa in taariikhdiisa la xiiseeyo.

Tix raac qoragii taariikheed ee u qoray sahmiyihi la oran jiray Ibn Batuuta ayaa socdaalkiisi u ku caga-bixiyey somaliya gaar ahaan mogdisho, waxuu ku xusay in masjidka asal ahaan dhismihiisa u ku lug lahaa sultaankii ugu horeeyey ee magalada mogdisha oo la oran jiray suldaan Fakhri-din Al-zanki, waxaana dhismahaas masjidka la bilaamay sanadka miilaadiyada markay ahayd 1262 amase hijriyadu ahayd 667h.

Sahmiye Ibn Batuuta oo yimid somaliya sanadkii 1331 waxuu kalo qoraaladiisi ku xusay inu safarkiisi soo maray magaalada Zeylac, oo halkaas ku soo arkay masjid isna ka dhisan magaaladaas oo la yiraahdo Al-Qiblateyn oo haddi la eego isku ekaansho xaga quruxda farshaxanka mixraabka ka dhaxeyso masjidka fakhru-din ee ku yaal mogdisho .. masjidkaas al-qiblateyn waxaa isna la dhisay qarnigi 7th, waxuuna leeyahay laba qiblo oo mid ka mida qiblada ay u sii jeedo dhinaca kacbada-Makka,halka tan kalana ay u jieedo xagaa iyo Qudus, waxuu kalo tilmaamay in masjidka dhinaca geeska u kaga duugan yahay shiikh la yiraahdo Baabu Dena oo loo maleynaayo inu isir ahaan ka soo jeedo mid ka mida asaaxbti muhaajiriinta ee u soo gudubtay dhinaca bilaad al- xabasha. 

Intaas waa sawir kooban oo aan ku iftiiminay taariikh duug ah si dib loogu xasuusto Masjidka Arbac-Rukun(fakhru-din) .. dhinaca kale Ummad ay ka daahsoontahay taariikhdi ay soo mareen awoowo-yaashood kama duwana ummad dhalaan ah oo barbarad ah, hawlgal-kooda wax-qabadna waxuu noqonaya mid asqeysan oon kala garaneyn dhinaca ay u socoto.

Taariikhda Afafka layskugu gudbiyo ee laga soo xigtay sokeeyihii jiilba jiil lahaa, qarniba qarni ee lagu tuhmaayo iney xog-ogaal u yihiin taariikh nololeedkii Fadiilat Al-Shiikh Geesood Xaaji Ciise (AHN) ayaa iftiimiyey in Shiikhu marku yimid mogdisho kana yimid dhinaca Zanzibar Iyo Laamo u duruus diini iyo casharo sareeya ku qotoma silsilada taariikhda islaamka iyo shareecada fiqiga ka bixin jiray masjidkaas khaasatan malinta arbacada ah, waana sababta keentay in masjidka loogu yeero masjid Arbaca rukun.

Waxaa kalo la sheegay in shiikh Geesood Alla Ha U Naxariiste oo waqtigaas ka yimid dhinaca Zanzibaar, kadib markii alle ka soo samata-bixiyey Niman Carbeed dooni watay oo ka afduubay magalada Garacad-Mudug, dabadeedna iib ahaan loo geeyey zeylad adoomada lagu iibiyo ee ku taal Zanzibaar .. Laakiin nasiib wanaag shiikha oo xiligaas kuray qaan gaar ahaa qaab beeleed u bartay abtiriska tolnimo, isagoo cidiyaha ku dagaalamaya ayuu halkii suuqi Naadada si hagar la'aan ah iyo indho kulul ku ganay abtiriskiisi oo nasab iyo isir ahaan ku geeyey illa Cabdi Mutalib Bin Haashim illa u ku si talax tagay oo gaarsiyey Bin Cadnaan, taasna waxay keentay in dadkii ganacsatada Carabta ee halkaa ku sugnaa ay si dhawaaq sawaxan leh isla dhex qaadaan ereyo ay ku leeyihiin; Ninkaan lagu amartaag-leynaayo madowga la moodaayo waa reer Qureysh .. waa muslim ..waa Carab dhalada .. Carab muslim ah ma cabiidsamo .. Sala-Caleh, La' La' wiilkaan waa laandheere oo iibkiisa waa xad gudub .. La' lama iibsan-karo .. Shiikh Geesood ugu dambeyn waxaa lagu amray inu xor yahay oo dadkiisa dhinac ka raaco .. degaanka oo ahayd meel aan awowe iyo isir iyo walaal weli raad soo dhigin ruuxna laga garaneyn waa ku adkeeyd si loogu noolaado, hasa ahaate ma cataabin, waase miciyo adeegay oo wuxuu qatooyo daris ahaadaan-ba magaaladi ayuu si wanagsan u bartay lana qabsaday bulshadi, isagoo isla markaa degaanki Zanzibar si gobonimo ah durbaan iyo aroos kula aqal galay gabar camal san oo asal ahaan ka soo jeedey qoomiyada Carabta hooyadeedna ahayd baajuuni .. shiikha oo ilaahay talo saartay, oo uu istikhaaraystay si ilaahay ugu dooro goob u dago, waxuu aakhru-tahanki u soo gudbay xagaa iyo magalada Laamu-kenya oo markaas ku jirtay gacanta saldanada Cumaan, hadaba si u aqoontiisa diineed u si kororsado waxuu halkaas ka galay iskuul lagu barto cilmiga Dibiga-caafimaadka, isagoo isla markaa ku taxnaa duruus la xariirta barashada cilmiga diinta baafintiisa ee laga bixin-jiray madasha hooyiga wakiilka suldaanka Zanzibaar ee u fadhiya Laamo

Shiikh Geesood waxuu hadba dhinac soo dhigtaba. mudaba soo dhutiyaba soo luudaba ugu dambeyn isagi iyo xaaskiisi wey soo galeen Mogdisho, laakiin sida la xusay mudadi joogitaan-koodi mogdisho ayaa sadex ilmood oo caloosha ay ku qaaday xaaskiisa midna umay yeelan in ay noolaadaan oo dhamantood yaraan ayey ku geeriyoodeen. markii dambana iyada lafteedi ayaaba halkaas ku xijaabatay.

Guud ahaan dalka somaaliya waqtigaas ma lahayn xirir xaga halawga taararka ee hirarka dhaa-dheer oo u ehelkii kula xariiro, sidaa daraadeed Shiikha ayaa murugo iyo culeys badani naftiisa ka saarneyd geeridi ku timi xaaskiisi iyo wal-walka war la'aanta ka haysay axwaasha walaalihi iyo waalidiinti oo u waqti dheer ka maqnaa. laakiin nasib wanaag maalin maalmaha ka mida suuqa xamar-weyne u kula kulmay Awr safar u xiriirsan habeen iyo maalin soo galeysa ama ka baxeysa magaalada oo intooda badan ka soo kicitamay dhinaca mudug iyo degaanada gobolada dhexe oo sida caadada ah ka rarta mogdisho iyo Baydhabo Dhar, Hargo, Subag, Badar .. is-wareysi iyo is haybsi kadib waxaa loo sheegay in Aabihiis tii alle u tumid iyo kuwa ka mida walaalihiis ay gacan bani' adam ku baxeen, warkii oo ku cuslaaday ayaa mar qura is badashay xaaladi u ku jiray, ogaaday in xaga familkii gudcur ka jiro. halkii ayuu ku go'aansaday inu safarkii ganacsiga dib ula noqdo iyo cariigi dhulkii hooyo. suuf iyo xanjo isku xirtay oo sibraaradiisi biyo iyo wixi sahay lagama-marmaan ah soo qaatay socodna galay, xili socdaalkiisa u ku beegnaa dhulko xareed iyo xamash barwaaqo ah .. Shiikhu waxuu cirid kulul ku socdaba oo maylka tiriyaba ugu dambeyn dig ku soo yiri hooyigi walaalkiis Cabdulle Xaaji Ciise oo halkaas diyaafad mashxarad iyo ren-reyn si gacalnimo lagu soo dhaweeyey, ma daama u ahaa walaal muddo muuqaalkiisa iyo warkiisaba la la'aa.

Waa mid jirta in Qurba-joogu marku ku laabto dalkii hooyo u ku soo kordhinaayo bulshada waayo-aragnimo, iyo aqoonti u soo kororsaday mudadi u ku noola dibada, sidaa daraadeed Shiikh Geesood, isagoo kaashanaayey walaalki Cabdulle Xaaji Ciise (odagi Cadaawe dhalay), waxuu bilaabay inu halkii cilmigiisi dabiib-nimada baahiyo iyo daaweynta dadki miyiga oo ka cabsi qabay sadex cadow oo ilaahay goobta u tagay ku maneystay, waxay goobta hooy iyo baro gaadmo u ahayd libaaxyo raxan raxan ah oo aan dad iyo xoolo toni ka nabadgaleyn, sido kale dhulka hoose waxaa mulacleynaya masas noocyo badan oo badidoodu waabay sun ah ka buxaan, qofkii ay miciyaha la helaana aanu nolol dhulka ula dhaceyn, waxaa intaa si dheer kaneeco gabod ka dhigata dhirta cufan. dadkuna aad uga baqaan duumada ay qaniinyadeedu keeni-karto

inkasto weli dabo socono iftiminta, waxuu Shiikha hawshisaas u ku garab waday fidinta iyo wacyi-galinta dacwada diinta islaamka oo u ku baraarujin-jiray ujeedada ay u timi diinta ay tahay wanaajinta nolosha iyo anshaxa dadka, iyo shareecada oo ah xeer bani aadanka ku haga nolol toosan iyo aakhiro macna leh .. waxuu dadka u micneyn-jiray in diinta dadka ka saarto yaw-nimada iyo cawaan-tinimada una gudbiso qofka ruuxiyad sare iyo dhaqan wanaagsan .. Shiikhu wuxu ahaa Qaari aqoon u leh Todobada Qiraa'o ee Quraanka Karimka.

Shiikh Geesood, ma qaadan maah-maahda oraneysa " if you are in Rome, do what Romans do" balse waxuu dood talantaali ah galiyey, hab-dhaqanka gaboobay, hab-nololeedka liita, qaab-bulsheedka abaaday iyo tafsiirki Qu'raanka oo sidi Qu'raan dhurwaa loo micneeyey ay ka marantahay caqiidada aqoonta cusub, oo halkaas bulshada wax aan u qalmin ku biyo-batalaqsadaan .. hadal iyo dan Shiikhu arimahaas gidigood intu u babac dhigay ayuu qof walba qanciyey oo siiyey nasteexo, tusaale, iyo aqoon cusub cilmi ku dhisan, isagoo dhinac kasta hadal duqeyn kaga deeqsiiyey, illa maskaxdi bulshada u ka qaras-bixiyey fikirki xumaha lagu gargaarayey, khuraafaadka murtinimada, luqada dhiilada colaada keenta iyo dhaqamada xun xun ee laga sharqamiyo, waxuuna ugu dambeyn u dhisay guddi loogu magac daray talo iyo tawfiiq oo ka hortaga dagaal lagu khasaaro intusan bilaaban, iyo gar-qaadka is-man-dhaaf ka dhex dhaca bulshada.

Ugu dambeynti bulshadi degaanka markay daryeel iyo hilinkii toosana heshay waxay dareemeen inu u yimid dayaxi umadda, macalin cilmigiisi dadka anfacay, geesi dhaartay oo u keenay xadaarad il-baxnimo, necaw qabow iyo dabeyl nafac leh, waxay qireen in nacbkii jahliga ilaahay ka kaxeeyey oo ay soo noolaatay yidi-diiladi naxashka saarneyd oo waxay ka reysteen, cilmigi qalin duuraha, hindisihi beenti qori is-marisnimada la isku hurgufi-jiray, hoobaaqihi la isu qodaayey iyo murankii wax lagu maali jiray oo halkeedi ku badaleen xikmad, waano, tusaale, tusmo fiican iyo dibnihi oo la baray xaqa .. Shiikh Geesood(AHN) waxaa shucuubti degaanka isku wada raacday shiikh iyo shariifba leh inu yahay Nin ay ka muuqato haybad-karaamo, duco waalid iyo daymo awliyo, caalim wixii alle baray wacdi iyo waano kaga haqab tiray bulshadiisa oo afka iyo gacanta wax ka deeqsiiya .. darajada ilaah baa ninkuu doono siiye, Shiikh Geesood waxay dadkiisi guud ahaan gar-madobayaal iyo guud cirrooli iyo guurtidi xulkaba ahayd u aqoonsadeen Rug-cadaa horyaal ah suldaan u suuban, oo madaxiisa taaj la saaray oo illa maanta faraci ilaahay dhabarkiisa ka beeray ay majarihi hogaanka iyo taladi reerka sidi u hayaan.

Gabagabo: Qfka noloshiisa waxaa ka hara raad iyo taariikh waarta aan la tir-tiri karin .. godka iyo xabaasha geeridu waa xaq, oo halkii ayaa gorgorkii taariikhda dhigay ee karaamada iyo aqoonta cilmi la laafyoon jiray Shiikh Geesood Xaaji Ciise(AHN) geeridi xag alle uga timid. kadib maqalkii geerida dadkii harsan-waayeen, wiiwiida yeertay, ilmada gabax ka tiri, la islaab raaciyey, oo duco iyo alla bari galeen .. Ergedi xajmiga janaasadiisa ka soo qayb-gashay kuma ekeyn isimo iyo shacab degaanka oo kaliya, balse waxaa weheliyey boqolaal ka timid degaanada u ka kooban-yahay mudug, oo lahaa boqoro, islan, garad, suldaamo iyo beeldaaja-yaal ka soo kicitimay Bari, kadibna marki faataxo iilka lagu dhigay, waxaa isaga iyo inti dhimataba loogu duceeyey,cadaabta in Alle ka dheereeyo iyo jano aan dhamaaneyn .. Aamin Aamin   mhashi1@hotmail.com


hits Hits : 4479