Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 18 March 2024

Dad Waa Laga Quuste Show Rag Baa Nool . Keyr Qabe Suldan Xasan Oo Soo Nooleeyey Rajadi Naxashka S.

Sunday - August 9, 2015

Minnesota- Waxaa xalay magaalada Minnesota ee carriga mareykanka laga dhigay xaflad ballaaran oo si gaara loo agaasimay laguna maamuusaayey soo dhaweynta suldaankii Jubaland Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Xaaji Cilmi oo dhawaan ka soo nabad noqday magalad Kismaayo, nabadna ku yimi mareykanka iyo hooyiga Minnesta .. Dabbcan munaasabadu waxay lahayd labo ujeeddo oo mid ahayd soo dhaweynta Suldaanka iyo mida kale oo ahayd dhoolatuska cududa kulanka bulshada

Xafladaas oo maamuus-keeda iyo xajmiga ergada ka soo qayb gashay, sooryo gobeed ahayd arag iyo udgoon qof walba soo jiidatay ayna ku soo wada kulmeen dhamaan guutooyinkii dhallinyarada, hooyooyinka iyo jilba culusta oo ay ku waheliyeen aqoon-yahano waayo arag leh, isla markaa lahaa rag iyo dumar miisaan ku leh masraxa siyaasada bulshada tanade-Leelkase iyo kuwa markoodi horaba dhan ula dhaqaaqay aragti fikir siyaasadeed jirtay awgii oo aag magaalada uga nabnaa amase ka go'doonsanaa bulshada inteeda kale ay iyana markaan fagaaraha gogosha soo camireen. mawjado dad buux-dhaafiyey goobta waxaa la waayey cagaha meel la dhigo.

kulankaas oo u dhacay si aan inama caadi ahayn, balse xafladaas kulankeeda inta sali lagu wada fariistay is-wanaajin lala tubnaa, kheyrka iyo wanaaga la is xasuusiyey lagana acuudu-bileystay tawtawle ibleys turub u qaaday iyo cag-madhigaha mar waba soo jeeda ee aan tolki maqlin haatana talo xumo u taagan, waxaa isla markiiba laga dal-doorsaday sheekadi kala digtoonaanta iyo dacfaruurka iyo is-basbaasaynti sidi berigi hore ee khiyaaligi la isku maawelin-jiray .. kadib mariki la is arkay la wada hadlay, waxaa dib u soo noolaatay rajadi naxashka saarneyd oo halkaas jaceylkii maanta la isu qaaday awgii, waxay keentay in Alle gogoshi nuur dul dhigo .. waxaa goobtaas kulanka laga jeediyey khudbado dhiigu da'aayo iyo hadalo qiiro leh oo looga hortagaayo arimaha waayahan-dambe saaxada beesha leelkase ku soo cusboonaaday ee ku saleysneyd midnimo la'aanta iyo is dabrida aan loo baahneyn .

Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Maxamuud oo khudbadiisi talo, tusaale, tilmaan, aqoon iyo waayo-aragnimo dhinac kasta hadal ku deeqsiiyey ummadi halkaas isugu timid, waxuuna hadalkiisi ku bilaahay in mahad idilkeed ay u sugantahay Allaha weyn ee keligi xaqa u leh amaanta ee isagu arin kasta suura-galiya, dabadeedna hadalkiisi si raaciyey oo yiri: in sida caqli salimka ahi tilmaamaayo, ummad waliba xaq u leedahay ka talinta masiirkeeda. haddi aan nahay ayuu yiri: beesha qof kasta ka mida oo is bidaaya inu wax ku biirin-karo bulshada uu hiil iyo hooba ku taageero, waxaa haboon ayuu yiri: inaanu bulshada lagala masuugin la socodsiinta gad-gadiska waqtiga socda iyo hadba waayaha taagan, si aan looga beyrin jidkii himilada ee reerku rabo inu jeexdo .. waxuu yiri: Ummadda Leelkase waa makhluuq ilaahay ka kor yeelay gar-daro iyo xaq la aaso, iyo naceyb cadaalo-daro ay kula kacaan ummad aan wax geysan, Reerku ma doonaan dhul-durugsi iyo meel aysan lahayn, ma sameyaan daan-daansi, waa shacab markasta ka horjeeda dulmiga iyo shu'uun aanay lahayn iney faraha la galaan, waa ummad aad u samir badan oo dul-qaadkooda iyo garashadooda aad u weyntahay .. sidaa daraaded ayuu yiri: maa daama sida la ogyahay aanu ciddna threat ku ahayn oo taa darteed noo furantahay degaan kasta inaan si nabada ku degno, hasa yeeshe waxaan idin ku boorineynaa in degaanka jubaland aan hayb ahaan bartanka uga jirno, oo xiriir taariikheed dheer iyo waqtigi qaraamiga iyo kan xaadirkaba mudnaanta ku lahayn kuna saleysan degaan iyo aqoonsi haybadnimo, saa daraadeed xaalada is badashay awgeed waa in hurdada laga taga, oo dardarsiga barwaaqada horumarka leh iyo hilaaca maanta ka bilig-leynaaya arliga jubaland wax ka qabsano. wallee haddi kale hadal docosha badan iyo Qoomama xigin.

Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cilmi oo waayahaan dambe u kuur-gal iyo baaris weyn ku ifiminaayey xaqiiqooyinka bulshada reerka ee gobolkaan ka jira, siiba amuuraha gaarka ah loo wada xagaf-sanaayo ee luuq qalooc ka soo duska ah, haba ugu darnaate leadership siyaasadiisa lagu dugaalo aysan jirin iyo sidi Deero kale la is daba maro. taaso magaci Reerka dhigtay cirka iyo dhulka meel dhexdooda ah. arintaasoo Suldaanka ku reebtay wax la yiraahdo ma harto.

Suldaanka oo dabadeed si dadaal ah isugu kalifay inu bilaabo barnaamijyo kulamo gaar ahaaned uu u qabtay qaybaha bulshada sida dhalinyarada, waayeelka, jilba culusta, iyo gaar ahaan aqoon-yahanada oo halkaas dood iyo wada hadal kadib guud ahaan la isla qaatay in si wada jira bulshada marada isku giijiso, la eego halka iintu ka jirto iyo wixii la gudboon oo xaq ah lala yimaado, ugu dambeyna la isku afgartay in shakhsiyaadka qiyaasuhu ka xumaadeen ee niba meel ku naban amase ku go'doonsan magaalad lagu dhiiri-galiyo ka soo qayb galka kulamada iyo barnaamijyada la tiigsanaayo iyo in xaflad iyo kulano guud waqtiyo cayiman lagu balamo si la isu arko, loona wada tashado

Waxaa soo hadal qaad mudan in bulshadi shirka ka soo qaybgashay oo qiirada kulanka ku fogaatay, waxaa eryadoodi ducada ka mid ahaa : Suldaankow Rag iskuma jiro'e, waa la kala horeeyaa ee warkaagi waa na anfacay, Alle ha ku siiyo caafimaad ifka ah, Aakhirana ha kaa hayo Cadaabka .. Allahayow bad-baadadaada ha ku xirin nin beer adag iyo bahalo aan nixin


hits Hits : 4040