Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Qiso .. Dameerkii Magaciisa Nacay, Kaluun Qoorta Surtay

Saturday - Feb 27, 2016



Waxa la yiri dameer aya nacay magacisa, oo kalmada ximaar ximaar ayu karhay in logu yeero. maalin danbe waa u fakaray oo qorta soo surtay boor ku qoran magaca kaluun, oo dabadeed isagoo baruruftiisa galay ayuu kayntii la dhex yimi .. xoolihii kaynta jogay oo aqoonsaday waxay ugu yeereen Ximaar, Yaa Ximaar

Dameerki oo xanaaqsan ayaa yiri nacala idin ku yaal, war ma indhaha la' dihiin aniga dameer layma yirahdo ee kaluun baan ahay, waxay yirahdeen waan aragna waxa qoorta ku suran, lakiin weligaa waxan kuu naqiin dameer, magac kale ku-guma yeeri-karno.wuu ka xanaqay, oo isagoo himad jab la haaraamaya waxa lagu sameeyey wuxuu u guuray kayn kale iyo aag kale.

Waxuu la kulmay Daanyeer, daanyeerkii ayaa yiri waryaa kaluun xagaad ka timi. Dameerkii intuu eh-eh qosol iyo farx is la dhacay oo yiri waxan ka soo caroday kayntii aan ku noola sababto ah aniga oo qorta surtay boor, oo magacaygu yahay kaluun,ayaay iigu yereen Ya-ximaar-ya-ximar.kuwaasu waa nooc maan-gaaba xushmad lahayn

Daanyeerkii waxuu ku yiri:kuwaa kugu yeeray Ximaar  khalad ma leh. kalunka waxay ku ogayeen isago ku nool badda,waxa fajaciso ku noqday kaluunkan biriga ordaya marka waxan kugula talin lahaa kaluun yohow in aad badda ku noolaatid.

Dameerkii ilayn waa dameere muu garan khiyamadan daanyeerkan haligaya. intuu eh eh qoslay oo farxay ayuu jihadii badda isku maqiiqay ilayn waxu nacay ximaare. sidu u ordayay ayuu baddii jaf yiri,dameerkii halkaa ayuu ku degay.

hits Hits : 7029