Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Cabista Biyaha Kulul Oo Laga Helo Faaiidooyin Caafimaad

Monday - December 28, 2015

Washington - Daraasado tiro badan ooo marar kala duwan soo baxay ayaa daahfuray in cabbista biyaha kululi ay jirka u leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Qormo lagu soo ururiyey faa’idooyinkaas ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin:

1- Cabbista biyaha kululi ay si weyn u kordhiyaan dhalaalka wejiga iyo quruxdiisa.

2- Waxa ay kor u qaadaan awoodda ay xubnaha jirku u leeyihiin in ay si dabiici ah waajibaadkooda u gutaan.

3- Cilmi-baaris ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal u dhashay dalka Jabbaan ayaa iyaduna daahfurtay in cabbista biyaha kululi ay dawo ka tahay xanuunno aad u badan oo ay ka mid yihiin; Madax-xanuunka, Dhiigkarka, Unugyada dhiigga cas oo yaraada, Suuxdinta iyo qallalka, Buurnimada, Hargabka, hunguriga-dhuunta, calool istaagga iyo casiraadda, Guud ahaan cilladaha caloosha, Asiidka oo jirka ku bata (Hyperacidity), Macaanka, Kansarka, Qaaxada iyo caabuqa sambabada, Kelyo xanuunka iyo cilladaha kaadi-mareenka, mushkiladaha sanka, dhegaha iyo dhuunta, dhibaatooyinka la xiriira dhiigga caadada, noocyada kala duwan ee wadne xanuunka iyo dhibaatooyinka la xidhiidha hab-dhiska neefsiga.

Habka la isugu daweyn karo cabbista biyaha kulul:

Warbixin ka soo baxday ururka Midowga Dhakhaatiirta dalka Jabbaan ayaa lagu faahfaahiyey habka ugu fiican ee uu qofku isugu daweyn karo biyaha kulul. Kaas oo ah sidan hoos ku xusan:

1- Subaxda hore marka hurdada laga soo kaco, waxaa uu qofku cabbayaa 4 koob oo ah biyo diirran, koobkii kastana qaadkiisuu yahay 160 ml. Biyuhu waa in ay diirrimaad noqdaan, calooshuna ay marnaato. Waa in aanu qofku waxba afka gelin ugu yaraan 45 ka daqiiqo ee ka horreeyey markan uu biyaha diirran cabbayo isla markaana aanu cunto cunin illaa ay laba saacadood ka soo wareegaan markan uu biyaha cabbay.

2- Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in dadka waaweyn iyo dadka bukaanka ahi ay bilowga hore dhibaato kala kulmi doonaan cabbista biyahan diirran, gaar ahaan aanay mar keliya wada cabbi Karin afar koob oo biyo ah, sidaa awgeed talada ugu fiicani ay tahay in ay marka hore ku bilaabaan biyo intaa ka yar, marka ay la qabsadaanna hadba in yar ku sii kordhiyaan, illaa ay maalmaha dambe gaarsiiyaan Afarta koob muddo gaaban gudaheed.


hits Hits : 3943