Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dharaarihi Siyaad Barre.. Waa Ninki Magaca Lahaa Ee Wixii Afkiisa Ka Soo Baxa La Kala Boobi Jiray Sidi Jawharadi Maska

Sunday - July 15, 2018


Taariikhdu Waa Marag .. Noloshana Waa Xasuusta, Wax-kasta Oo Jirana Masiirkooda Waa Suulid Aan Ka Ahayn Xasuusta .. Xasuustana waa Buunkii amase Durbaanki ilawga Aasmay.

Tuhun Yuusan Kaa Galin, Sawirkaan Waa Geesigi Lama Ilaawaanka ahaa Maxamed Siyaad Barre Ee Tilmaamihi Jidka Toosan U Qeexi jiray Shacab-kiisa Oo In Badan Dadka Si Weyn U Taaban Jirtay .. Waa Ninki Magaca Lahaa Ee Aan La Soo Celin Jirin Wixii Afkiisa Ka Soo Baxa La Kala Boobi Jiray Sidi Jawharadi Maska Qaaliga Ahayd Iyo Heesihi Qunbuladaha Ee Jaanta iyo Jiibta La Iskula Heli Jiray Markii Loo Qaadi jiray Amaanta Sida "Oktoobar Waa Tee Waa Taayadi"
 
Wuxuu Ahaa Hogaamiye Murti iyo Hal Abuur badan, wax badan oo u ka faaloon jiray ayaa maanta la haya oo Deg Deg iyo bilawgiiba suu noga tagay la arkay, isaga kadib waxaa la haya Jab Iyo Hoog Aan Yereyn oo dayac awgeed lala wareegay Moqrafadi dawarsiga, kala yaac maalin walba joogta Ah .. Waxaan filaya haddu maanta nolol aduunka ku joogi lahaa wax badan ayuu Tiiraanyo iyo Ciil la hagoogan-lahaa .. Dabcan Masuul kasta wuxuu qabto amase qaloociyo taariikhda ayaa xusta.

Waxaa sawirkiisa kor ka dhinac muuqda Macaan-toydiisi Khadiijo Macalin oo u dhinaca ku hayo, ku faraxsan-yahay jaceylkeeda, waxayna qayb ka ahayd oo ka soo bixisay murugo adkeyd noloshiisi soo taxana ahayd ee soo martay illa u guul ka gaaray. waxuu ku oran jiray Xabibti Khadijo " I Love You".

Iyo Ugu Dambeysti, Naf waliba maalinti ajeesheedu dhamaato ayaa xaga allaa looga yeera, waxaa u si lama filaan ah ugu geeriyooday cariga Nijeeriya oo Laaji siyaasi Ku Ahaa, sida la sheegeyna dhimashadiisa sabab looga dhigay cudurka Sonkorta oo run ahaanti ku bilaabmaty intu Somaliya joogay, laakiin dacdaro, qaabki nololeed iyo xanaano xumo uga timid dawladi u martida u ahaa ayaa ka gaabisay daaweyntiisi iyo ciseyntiisaba.

Maxamed Siyaad isagoo Heli-keray ku xad iyo ka leef ma ahayn nin lacag xantoobsada oo xashimo ka buuxsada .. dhinacaas xalaal quute ayuu ka ahaa, mana ahayn Nin aduunyada dhaldhalaal-keeda iyo daash-daash ku dheereeyey amase daneynaayey .. Aduunka wuxuu ugu jeclaa Kafe, sheekada Murtida leh Iyo Sigaar, Wuxuu aduun Ugu Necbaa Gaal Masiixi Ah noocu rabo ha ahaado, Lacag, iyo raaxeysi aduun, .. Cunto wuxuu ugu jeclaa mida dalka gudihiisa laga breero.
 
Maama Khadiijo Macallin iyadana Allaha ha u naxariisto muddo ayey ku sugneyd Magaalada Dubai oo mixnad iyo wareer kala kulantay kuleylki badnaa ee qaboojiyo la'aanta ku helay, wax la'aan awgeedna Dermo ku seexan jirtay illa markii dambe Cabdulaahi Yusuf boqosha ugu yimid oo u sooryo lacageed siiyey dabadeedna ay ka kaaftoontay dermadi ay ku seexan jirtay Iyo Qaboojiyo la'aanti .

War La Qabo Xiiso Ma Leh .. Waa gar inaanu ka baroor-diiqno isaga kadib xaalada u dalkeena illa maanta ku suganyahay Oo Musquliyo, Daaduf Daneysta ah itaal sheeganaya iyo Doqon maqaar saar ah oo leh hadal Ciyaal iyo hadal Dumar u Eg dalkii oo dhan lagu saladay, waxaana ayaan daro ah Dadka weli Naf ka sugaaya kuwaas madaxda isku sheegaaya aan ka soo rayn lahayn Kelyuhu Kubada leeg-yihiin wadankii xaraash ku iibiyeen dhuusada ka dhakh siinaaya iyo mudanayaal Barlamaan mooryaantu dhaanto, isla markaana aan qiimeyno in xiligi Maxamed Siyaad u ahaa Dayax noo iftiimay, balse aan garan-weynay ..

Laakiin wixii la doono ha la sheego Dalkaan weli Rag Baa Nool oo qaranimada gobonimada weli ay ku dambeyso oo habeen iyo maalin ka xun qarmuunka xaar-walwaalaysha xishood la'aan dhergi aqoon waayey ku Xargaoonaya xoolihi Masaakiinta.
Cumar Bin Khdaab RC ayaa yiri; Waxaan idin sheegaya cidda idin Talineysa kolba sidaad tihiin ayaa illaahay Taladiina ka dhigaya .. Saatirow Allow Na Samata Bixi  

Walaalayaa, Haddi Jiilka Cusub Aan Lagu Baraarujin Taariikhda, laga dhaadhicin Wixi Shalay Jiray, Waxaanu Halis U Nahay In Aynu Raadkeeni Qaladaadka Dib Ugu Noqono Oo Xaalada Aan Ku Suganahay dareen la'aan ku joogno.
Gabagab: Waxaa Iga Codsi Ah Wixii Saluugsan Aragtidaan Iney Iska Raali Ahaadaan, isla Markaana Qadariyaan In Caqliga, Fikradaha Iyo Garashada Lagu Kala Tagsan-yahay
      Mohamed A. Hashi .. [email protected]



hits Hits : 4581