Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

PM Netanyahu Afka Gacanta Saaray Ohiinta Beer-Cadaaday .. Ruushka Oo Dhanka Raadaarada Cirka Iyo Isgaarsiinta Israail Qas Iyo Tashwiish Galiyey

Sunday - September 30, 2018


Kadib Markay burbureen wada hadalki Israaiil Iyo Ruushka Ee La Xariiray Diyaaradi Ruushka Ee La Soo Riday, Waxaa aad u kala fogaaday oo si xumaaday xiisada labada dal, Taaso keentay in militariga Ruushka u talaabo ficil deg deg ah ku Aarsado oo markiiba bilaabay inu dawlada Siiriya siiyo gantaalada Aan sina looga gaban-karin ee lidka diyaaradaha S-300, gantaalkaasoo diyaaradaha Miiga holac iyo dhamac naareed ku rida, waxayna isla markiiba si xayndaab ah ku rakibeen dhamaan dhulka Siiriya.

Waxaa kalo la sheegay in Ruushka u Ciidamada Siiriya Ka Taageeraayo Dhinaca Taknaloojiyada dabagalka xuuraanka xaga macluumaadka iyo kuwa Lagu Tashwiishiyo Diyaaradaha Iyo Maraakiibta dagaalka iyo kuwa Lagu Qaso raadiyaasha madaniga-ahba Oo Lagu Bartilmaaansado saldhigyada ciidamada Israaill.

Wargeyska News Week Ee Ka Soo Baxa Cariga Mareykanka Ayaa qoraalikiisa Warbixin u kaga waramaayey Taknaloojiyada u Ruushka geeyey Dalaka Suriya u ku sheegay mid halis iyo khatar galineysa dalalka ay ka mid yihiin israaiil, sacuudiga iyo Yurub, Taknalooji-yadaaso awood siineysa ciidamada Suuriya iney ogadaan dhaq-dhaqaaqa Diyaaradaha gaar ahaan inteysan diyaaradahaas ka kicin garoomadooda oo ay gantaalahaas Siiriya markiiba daba-gambinkaraan