Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Shabakada Galdogob Times Oo U Ban-Baxday Inay Wareysi Ku Sameeyso Marwo Nuur-Sabax Dahir Oo Ku Sifowday Woman Of The Year

Thursday - December 6, 2018



Bismilaahi Yaasiin .. Mahad Oo Dhan Raxmaanka Ayey U Sugantahay .. Beryahaan iyo inti muddo ah waxaa dareynkeyga si weyn u soo jiitay mudnaanta kuwaad oo aan markasta siiyo wixii dhanka wanaaga iyo wax qabadka ku saabsan .. waxaana runti so hadal qaad mudan Marwada Geed-Adeyga ah Nuur-sabaax Daahir Saciid Xaashi oo shabakadaan wargeys u aragtay iney tahay shakhsiga Sanadkan Maamus sharafeed u qaadatay Beesha Tanade/Leelkase  (Woman Of The Year) iyado ku muteysatay xaga u tafa-xaydnimada ololeeynta mideynta gabdhaha "Kor-Dahab" ee Tanade iyo doorka ay ka qaadatay isku xirka iyo walaaleynta bulshada guud iyo gaar ahaan daryeelka taakuleynta deg dega Dadka sida gaarka looga soo dayriyo taaso sida la wada saxiixay arimahaas guul ku hinjisay,
isla markaana ay ka muuqato hormood iyo garasho wanaagsan iyo kor u qaadka mustawaha haweenka Tanade ee ay iyada iyo gabdhaha kale ee qurbaha jooga ay la yimaadeen caqliga Alle siiyey, akhlaaq iyo hiil iyo higsi meel saraba.

Wanaaga hal-door Nuur-Sabaax waxaa ka mida in markii shakhsiyaad ka mida bulshada gar-diidaan iyadaa si xaq ah u kala gurta oo badanaa wixii dhaqaale illa xad kabta, isla markaana goobti lagu beego iyo wixii hawlgal ah gaarka ka haysa .. Gar-gaarkeeda ixsaan iyo wanaageeda dadnimo waxaa ku dheehan xilkasnimo iyo amaano .. waxaa intaa dheer dhamaan gabdhaha beesha ee ay iyada isku aragtida yihiin runti waxay beesha galiyaan dhaq-dhaqaa xiiso kacdoon oo hadeysan jirin beeshuba cududooda ma adkaateen

Tafaftiraha wargeyska Galdogob Times ayaa isago raad-raacaya maamuska sanadka ee Nuur-Sabaax beesheeda u hibeeysay iyo wanaaga badan ee guud ahaan is-bahaysiga gabdhahaas beesha laga soo tabiyey, waxuu wargeysku si gaara maal-mahaanba ugu raad joogay inu mar un wareysi gaara la yeesho mid ka mida gabdhaha Tanade ee qurbaha jooga oo ay ka mid tahay marwada haybada leh ee la isku wada raacay iney tahay Rug-cadaa meesha ay ka taagantahay wadaniyada iyo wax qabadka bulshada la yiri waa ka hal-doorsantahay Raga 

Ugu Dambeyn Marwo Nuur-Sabaax Daahir Saciid Xaashi oo xaga khadka isgaariinta aan ku helay ayaa ii ogolaatay inaan ka wareysto axwaasha guud ee hawlaha higsigooda, wareysigi aan la yeeshay Marwo Nuur-Sabaax sidaan ayey jawaab waafiya uga bixisay: 

Galdogob Times: Marwo Nuur-Sabaax adigo ku mahadsan waqtigaaga yar oo Aad wax naga siisay, waxaan ku weydiinaya, abaabulka la sheegay inaad ku hawlan-tihiin adiga iyo Gabdho kale muxuu ku saabsan-yahay ?
Nuur-Sabaax: Abaabulka wuxuu ku saabsan-yahay sidi la isugi xiri lahaa wada jirka iyo wada shaqeynta gabdhaha Tanade/Leelkase ee kheyrka qaba, waana barnaamij bilaw ah oo hadba heer soo soo jiitameysay, laakiin hadda familadi ay gabdhaha ka koob-naayeen ee beesha intoodi badneyd aqbal ayey ku soo jawaabeen inta harteyna waqti ayaan u qabanay la kulankooda si Midnimada Caqliga iyo xooga iyo wax wada qabsiga ugu Soo Biiraan.

Galdogob Times: Hadafka Qorshihiina Muxuu Yahay?
Nuur-Sabaax: Hadafka iyo yoolka waa inaan isku xirno oo walaaleyno wada-jirka iyo cududa gabdhaha Tanade/Leelkase meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibad .. Hadafku wuxuu kalo ku saleysanyahay in awooda ay midnimada wadajirka leedahay aan uga faaiideyno dadka wax la'aanta la Beylahan, isla markaana si gaara dhallinta beesha ee dayacan u sameyno xirfado yar yar oo maalgalin ah si ay saboolnimada uga baxaan, ujeedada guud waxay tahay in gabdhaha iyo wiilasha iyo inta diifta xun ka muuqato wax loo qabto.

Galdogob Times: Yaa Salaam, Warkaagu waa dhadhamaya ee Nuur-Sabaax hadde ma iska hubta in qorshahaas hirgali-karo, xageese lacgta maal-galinta ka keeneysan?
Nuur-Sabaax: Koleyba aniga iyo is-bahaysiga gabdhaha aan wada shaqeyno xaga wadaniyada iyo wax qabadka isku dhan baan nahay, mana jiraan illa hadda wax Waran sheydaan wata oo qorshahayaga ka hor-yimi ..  niyad iyo garashaana waan hayna meeshey nala gaartaba, isla markaana arintaa waxaan u talo saaranay Eebbaha oo isagu wax walba gacanta ku haya, sido kale waxaan la tashi ku garabsana Rag beesha ka mida oo waayo-aragnimo iyo hal-abuur intaba leh
Xaga lacagta maal-galinta markey niyad iyo midnimo timaado dee waa khasab in hadafki la lahaa la gaaraayo .. hadde adeer sidaad aduguba ogtahay bulshada beesha illa 40.000 Qof ayaa qurbaha ku nool oo dakhli soo gala, oo haddi qofkiiba Hal Dollar Santuukha horumarinta ku soo rido, imisa ayey noqoneysa biishiiba waa afartan kun doolar .. marka sanadkii adiguba adeer Maxamed xisaab, isla markaana imisa mashruuc ayaa hirgali-kara

Galdogob Times: Maashaa Allah, kula xaraka lahaa baraka .. Nuur-sabaax waa su'aal kale: Marka haddi cududaas midnimada ay timaado oo awoodiina muuqato ma laga yaaba in gabdhaha Tanade /Leelkase ay kaalin ka ciyaaraan siyaasada dalka iyo gaar ahaan tan beeshiina. ?
Nuur Sabaax: Gabdhaha Tanade/Leelkase horay uma lahayen shabakad kulmisa oo cududooda iyo codkooda muujisa, laakiin saas oo ay tahay siyaasada waa galeen , waqti xaadirna kuwa naga mida oo beesha ayaa siyaasada qayb ka ah, sidaa daraadeed ka qayb galka siyaasad ma aha wax nagu cusub oo dabcan gabdhahu mustaqbalka waa ka qayb gali-karan wax u diidayana ma jiraan

Galdogob Times: Adiga ka Nuur-sabaax ahaan ma daama bulshada Tanade/ Leelkase guud ahaan-tooda Aad tahay mid la sharfo oo loo han-weyn yahay, isla markaana tafa-xeydkaagana la mahadiyo, ma laga yaaba inaad u tartanto Siyaasada Somaliya oo madaxweyne u cararto?
Nuur -Sabaax:  Adeer Waa Su'aal mug weyn, koleyba aniga ka shakhsi ahaan fikirkaas weli iguma dhalan, oo xaalkeygu waa qunyar socod Qodax ma mudo, laakiin sida caadada ah codsiga bulsho isku duuban iyo waxay rabaan waa mid meesha ku jirta in la qiimeeyo, oo qofki bulshadu doorato waa dhihi-kara Haa iyo Maya midkood .. koleytana aniga waqtigaan jawaab Haa iyo Maya midna kuma siin-karo ma daama aan wqtigeeda la joogin .. cala ay xaal wax walba waqti laga hadlo ayey leeyihiin .. 
 
Galdogob Times:  Nuur-Sabaax, waxaa la sheegaa in Ragi siyaasiyiinta gudo iyo dibadba ay iska iloobeen iney dadka waxqabad ku soo dabaalaan lana saluugsan-yahay, sidaa darteed markaan bulshadu waxay hadal haysa in xiligaan wixii ka dambeya xilka siyaasada lagu tijaabin-doono Gabdhaha beesha oo iyagu noqon-doonaan wasiiro iyo wixii la mida, sidaa daraadeed marxalada soo socota ma qaadaneysa xilka wasiir-nimada haddi lagu garto.?
Nuur-Sabaax: Wax kasta oo la sheego, koleyba aniga hadda faalo ka bixinmaayo su'aashada, laakiin waxaan un ku sheegi-kara in wax walba waqti baab-keedu furmo ayaa laga hadli-kara .. waqtigeeda allaha na gaarsiiyo

Galdogob Times: Nuur-Sabaax, laakiin hal ogow oo sidaan kaaga jeedo hadda waad ka faag-faaganeysa su'aasha masuuliyadaas sare, haddana ogow waana aad la socota in maanta somaliya waxa ugu sahalan ee la noqon-karo ay tahay Madaxweyne iyo Wasiir, waxaana filaya inaan loo baahneyn inaan saababta ku sharxo, waxaase kaaga filan Sodonki Sano ee na soo dhaafay inta Madax Kuti madaxweyne oo duufaantu noo keentay .. Welina waxaa cabsi laga qaba in kuwa kale Lo' Gisi ah gudaha somaliya ka jira iyo kuwa iyaguna qurbo ku khafiifay Sanooyin buuro baraf dhex hurday oo qabow sanka ka tolay ay hogaanka 2020 noo qabtaan.
Nuur-Sabaax: Adeer, ilaahay khasaaro nala ma rabo, oo Markii ilaah  Qoom guul la damco dadkeeda ayuu siiya .. ilaahay halka u kheyrku ku jiro ha inna waafajiyo

Galdogob Times:  Aamin Okey Nuur-Sabaax Su'aashaan soo socota Maxaad ka leedahay .. dhaqanka Reerkiina Leelkase oo Adag awgiis iyo Diinta islaamka maxay ka qabta hogaaminta Dumarka?
Nuur-Sabaax:  Maanta caalamka islaamka qadiyada dumarka dood baa ka taagan, oo caqabada waxaa keenay dhinaca diinta ayaa dadka qaarkiis si khaldan u tarjumay .. Qureysh intaanu Nabi Maxamed SCW soo bixin gabdhaha iyagoo nool baa la Aasi jiray, wax xuquuq ahna ma lahayen, laakiin diinta islaamku markay timi wax walba wey is badaleen oo waxaa loo ogolaaday iney ka qayb qaadan-karaan arimaha bulshada.

Galdogob Times: Laakii Nuur-Sabaax, waxaa jira Culimo u badan xaga xag-jirka oo aaminsan in Dumarka Iyo Raga kala sareeyaan oo aysan hogaanka sare qaban-karin
Nuur-Sabaax :  Dhan kasta oo laga baaro Aayadaha Qur’anka waxa aan sinaba looga helaynin mid ka mid ah oo sheegaysa kala sarayn iyo kala qiimo badnaanta Rag iyo Dumar. In la go’aamiyo in aysan haweenku wax xil ah u qaban-karayn bulshada ay ku dhex nool yihin iyo in aysan maamulka dalka faro gashan karayn iyaduna hade meel ay qabsato ma helayso sida muuqata.

Galdogob Times: Ma daama Aadanuhu ka kooban yahay laba jinsi Rag iyo Dumar oo isu baahan dhamaan heerka nolosha, hadaba yaa si muhimsan labada Jinsi?
Nuur-Sabaax: Aragti-ahaan u maleyn-maayo iney doodi ku jirto in haweenka ay ka muhimsan-yihiin Raga marka laga hadlaayo horumarinta bulshada iyo diyaarinta faca soo socda .. Haweenku waa warshad soo saarta Aadamaha, Dabcan Raguna mudnaan-tooda kaalin ayey leeyihiin

Galdogob Times: Okey taas intaa aan uga harno ee su'aasha kale waxay tahay, waxaan ogahay inaad si fiican ula socota isbadalka ka jira Itoobiya, Maxaa u maleyneysa in is-badlaakaas ku dambeyn-doono
 Nuur-Sabaax:  Walaahi inkasto arimaha Axmed Abyi u wado Deg Deg ka muuqdo, haddana illa hadda ma hayo wax aan isaga si gaara ugu dhaliilo, maxaa yeelay mushkiladi dalkiisa ka taagneyd ayuu neecaawo nabadgalyo ka yeelay, mase garanaayo mustaqbalka iney u shaqeyn-doonto iyo in kale, laakiin anaga xagayaga waxaa la yiri Dab iyo Duurba waxaanad fileyn baa kaaga soo baxa oo hubsiimo hal baa la siistay .. ka shacab ahaan iyo dawlaba waa in aan ka digtoonaano loobiga Axmed Abyi ee noqon-karta Xumad Jabin ee ay dhici-karto istraatijiyad fog oo lagu raadinaayo Bada Somaliya iyo sidi nalo ku soo qixin-lahaa dadyooga Oromada.

Galdogob Times: Nuur-Sabaax, adigo ku mahadsan jawaabaha aad bixisay iyo hufnaan-tooda, intaas ayey maanta nooga egtahay, kheyrna waa ku rajeynaya .. Salama Caleykum
Nuur-Sabaax: Waa mahadsan-tahay .. Salaama caleykum

hits Hits : 2152