Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Carabki Wargeyska Indian Ocean Oo Noqday Mid Xanta Iyo Fidnada Huriya .. Eritrea Oo Ku Eedeysay Wargeyskaa Iney Xambaarteen Been Abuurasho Iyo Dembi Cad

Thursday - December 27, 2018


Warbixinta ay daabacday Indian Ocean Newsletter ee bishaan december 21/20018 ayaa qortay in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah ay beddelayaan ciidanka Amisom ee ka hawl gala somaliya, warkaaso dowladda Eritrea ay si adag u beenisay warbixinta ay qortay jariidaddaas oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa tiri: Wargeyska Indian Ocean Newsletter waxa ay biishaan 21 december baahisay in Eritrea qorsheyneyso iney 5000 Askari geyneyso somaliya oo u warkaasu yahay been iyo khiyaal qayaxan, waxay kalo wasaarada warkeeda raacisay in damaca Indian Ocean Newsletter ee ah inay akhbaar been ah faafiso kuma guuleysan-doono ujeedkeeda, waxaana uu burburin doonaa oo kaliya sumcaddeeda .. Wasaarada warfaafinta ayaa ugu baaqday wargeyska Indian Ocean Newsletter inay xushmeyso akhrista-yaasheeda iskana joojiso baahinta wararka beenta ah