Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

R/W Kheyre Oo Dib U Saxay Khalad Ay Dawlada Fedaraalka Gashay

Wednesday - January 2, 2019



Warar hoose oo  la helay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe uu dib ugu soo celineyso Ciidamada Nabad sugida qaranka ee lagu biiriyay Booliska.
 
Kadib markii ay kordheen Qaraxyada iyo Dilalka Al shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho, Madaxda Dalka ayaa doonaya in Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka loo soo celiyo Ciidamadii iyo Agabkii kala duwanaa ee lagu biiriyay Booliska.

Isbedelkan ayaa lagu wadaa inuu Maalmaha soo aadan dhaqan galo, iyadoo la diyaarinayo Gaadiidka iyo Mootooyinkii ay lahaayeen Ciidanka NISA ee Magaalada ku kala maqan in dib loogu soo celiyo.

Saraakiil amaanka Qaabilsan ayaa inoo xaqiijiyay in Hay’adda NISA Howgaladii ay fulin jirtay hoos u dhac xoog leh uu ku yimid taasoo ka dhalatay in Saraakiil iyo Ciidamo badan laga wareejiyay.
 
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qorshahan dib loogu saxayo Khaladkii Dowlada Soomaaliya ay ku gashay inay yareyso awoodii ciidanka NISA, iyadoo xoojisay Ciidamada Booliska oo wax badan ka qabtay Amniga balse Howlgaladii iyo Baacsigii Nabad sugida ee Al shabaab ayaa meesha ka baxay sida Saraakiisha Amaanka ay sheegeen.