Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Eeg Qacda Sawirka .. Qisada Wiilka Kursiga Ku Hurdooday Ee Ag Fadhiya Melania Trump

Saturday - Feb 9, 2019



Habeenki Madaxweyne Trump u khudbada ka jeedinaayey xarunti golaha Kongreska ee Washinton Mareykanka, waxaa hoolki shirka ka muuqday Wiil Yar oo kursi ku fadhiyey oo wax sidi suuxsan hurda galay ( eeg Sawirka)
Wiilkaas oo ka soo jeeda gobolka Delawear 11 jira, isla markaana Ag fadhiya xaaska Madaxweyne Trump ee la yiraah Melania, waxaa magaciisa la yiraahda Joosho Trump isago martiqaad ka helay xaaska Melania oo ku casuntay goobta u khudbada ka jeedinaayo Madaxweyne Trump.

Wiilka Joosho Trump oo gobolkaas Delaware iskulkiisa arday ka ah ayaa subaxdi la arkaba dhibaato badan kala kulmay Ardadi da'diisa ahayd ee iskulka la dhiganeysay oo magaciisa ku xiriiriya Madaxweyne Trump, taaso keentay in magacaas u wato awgeed markasta indha kulul lagu eego iyo hadalo dhataqla ah meel day-ayen lagu caayo .. isago ay sanka ka haystaan ayaa lagu yiraahda "Akh Akh, Doqon Axmaq Nacas Ah Baad Tahay,White Hause-ka Doqon Weyn Baa Fadhiya" ..  taaso wiilka oohin beer-cadaad iyo hooyo magaca ha layga badalo isku dara, waxayna ku dhalisay Murug iyo culeys badan oo xitaa familkiisi saameysay, waxaana xusid mudan in magaca wiilku wato usan wax xiriir ah la lahayen Familka madaxweyne Trump , waxaase magacaas wiilka u uga yimid xaga hooyadiis oo meelna ay iska soo galin madaxweyne Trump 

Arintaas iyo dhibaatada familkaas ka soo gaartay xaga isku xiriirinta magaca ayaa Marwada Melania oo maqashay arinka wiilkaas kana gadooday iyo halkey gaartay sheekada ayey dabada u ruxday casumaadisa iyo inu ka soo qaybgalo khudbadi madaxweyne u ka jeedinaayey Kongreska. iyado ujeedadu ahayd bal xaaladiisa moral iney is badasho
Gabdha yar ee iyadana meesha ka muuqata waa gabar ka soo bogsatay cudurka Kansarka.