Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Galmudug-Gaalkacyo .. Dil Fool Xun Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Galmudug

Friday - June 14, 2019



Sida La xaiijiyey dabley hubeysan ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug .. Dilkaa oo ka dhacay Gaalkacyo dhanka Galmudug waxaa geystay dabley ku hubeysan bastoolado islamarkaana rasaas la dhacay xilli uu marxuunku fadhiyay goob lagu shaaho.

Warka ayaa intaa ku daraya oo sheegaya in Cali Dhiif uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Nabad suggida Galmudug u beel ahaan ka soo jeeday Sacad-Habar Gidir .. xoogaa markay ka soo wareegtay dilki Taliyaha ayaa waxaa meel aan sidaas uga fogeyn meesha uu dilka ka dhacay lagu dilay 9 qof oo la sheegay in loogu aargudayey taliyihii la dilay, dadkaas oo ahaa mudaniin ka soo jeeda Konfur Galbeed

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxayna arrintaan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.