Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Butin: Dagaal Laysu Bareero Hoogey Badato Baa Dhici-doona .. Mareykanka Oo Qirtay In Diyaarad Daroon Kuwa Casriga Ah Laga Soo Riday

Thursday - June 20, 2019


Diyaarad Daroon oo ay Milliteriga Maraykanka lahaayeen ayaa lagu soo riday Hawada dalka Iiraan, sida ay Warbaahinat Iiraan shaaciyeen.

Sarkaal Maraykan oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Warbaahinta ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka REUTERS warka ku aadan in Milliteriga Maraykanka laga soo riday Diyaarad Daroon ah.

Sarkaalkaasi waxa uu ku dooday in Diyaaradaasi lagu toogtay Hawada Caalamiga ee duleedka Gacanka Hormuz ee u dhow Iiraan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Milliteriga Iiraan u adeegsadeen Gantaalladda Lidka Diyaaradaha si ay u soo ridaan Diyaaradaasi.

Sarkaalka waxa kale oo uu tilmaamay in Diyaaradda Daroonka ee la soo riday ay lahaayeen Ciiddanka Badda ee Maraykanka, nooceeduna ahaa MQ-4C Triton.

Faahfaahin kale oo dheeraad ah lagama bixinin dhacdadaasi iyo waqtigii Diyaaradda la toogtay.

Diyaaradda Daroonka ee nooceedu yahay MQ-4C Triton waxaa la sheegay inay awood u leedahay inay inay hawada ku jirto muddo 24-sacadood, iyadoo ku duuli karta jog ka sareeya 10 mayl, waxayna Hawlgal ka fulin kartaa masaafo dhan 8.200 oo nautical maylis ah.

Dhinaca kale madaxweyne Putin oo mar wax laga weydiiyey dhacdadaas ayaa yiri iiraan waa laga gardaran-yahay, oo cabsi waa jirta in gobolka u ka dhacaco halaag iyo khasaaro balaaran oo saameeya guud ahaan caalamka