Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xaaf Oo Maalmahan Seeftu Dhex Miraneysa .. Xulufadi Walaaqeysay Maamulka Xaaf Oo Ka Degay Dhuusamareeb

Friday - June 21, 2019


Dhuusomareeb- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug, inkasta oo uu diidanaa madaxweynaha maamulka Galmudug. Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Diyaaradda wafdiga siday ayaa garoonka ka degtay kadib markii laga saaray ciidamada uu soo diray madaxweyne Xaaf oo doonayey inay ka hortagaan imaanshaha wafdiga.

Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah hogaamiyaha sare ee Ahlu Suna, isla markaana maalmahaan looga shakisan-yahay inu xaga fedaraalka dhagaha u raaracinaayo, ayaa sida la sheegay diiday amarka madaxweyne Xaaf isaga oo ka codsaday in lala hadlo wafdiga xukuumadda Soomaaliya ee maanta tegey Dhuusamareeb, kaddibna wixii uu la yimaado laga qaato go’aan mideysan.

Illaalo katirsan kuwa madaxweynaha Galmudug oo tegey Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa si ay u fuliyaan amarka madaxweyne Xaaf ayaa dib looga celiyey garoonkas diyaaradaha ee Dhuusamareeb.

Madaxda Galmudug ee ka soo gashay dhinaca Ahlu-Sunna ayaa dalbaday in Wafdiga xukuumadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha laga dhegeysto ujeedkooda kaddibna Ra’iisal wasaare Kheyre oo la filayo in uu tago Dhuusamareeb lala hadlo.