Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xaaf Oo Yiri: Belo-ba Belo Bay Dhaanta .. Ahlu-Suna Oo Meesha Ka Si Baxeysa Jaanta Rogtay .. Odayaasha Cadaado Oo 4 Qodob Hor Dhigay Kheyre

Thursday - June 27, 2019



Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku buriyay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Suna iyo Galmudug, dibna ugu celiyay Cadaado inay tahay caasimaddii KMG aheyd waxay albaabada u furtay in Cadaado ay mar kale noqoto mid wax ka go’aamiso masiirka Galmudug.

Waxaa soo dhamaaday kulan Xalay illaa Maanta u socday Ra’isulwasaare Kheyre iyo Odayaasha dhaqanka Deegaanada-Cadaado Galmudug .. Sida xogta lagu helay Odayaasha ayaa waxay Kheyre u gudbiyeen tallooyin ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna Kheyre u sheegay inuu talooyinkooda maqlay uuna u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka.

Odayaasha Deegaanka Cadaado ayaa Ra’isulwasaaraha hor dhigay illaa 4 qodob oo xasaasi ah oo ay sheegeyn inay dowladda ka rabaan fulinteeda, Qodobadaas ayaa waxay kala yihiin sida soo socot:

1:  Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado.

3: In si Cadaalad ah loo maro hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug.

4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka  reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo.