Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2019

Taariikh Duug Ah In Dib Loo Xasuusto .. Gorgorki Weynaa Axmed Gurey Ee Ka Soo Jeeday Qoomiyada Somaliyeed Oo Diqsi Ka Dhigay Ciidamadi Kirishtaanka

Wednesday - July 3, 2019



Imaam Axmed ibn ibraahim Al-Ghazi loona yiqiin "Axmed Gurey" wuxuu ka mid ahaa saraakiishi ciidankii Garaad Abwan, wuxuuna caan ku ahaa geesinimo, karti iyo indheer-garadnimo uu ku kasbaday kalsoonida Garaadka iyo bulshadii uu ku dhex noolaa intaba .. Axmed Gureey waxuu guursaday gabar la oran jiray Bati oo u dhalay governatorhi Zeylac ee asna magaciisu ahaa Maxfuz.

Musuqmaasuq iyo maamul xumo ku baahday dhammaan xarumihii looga arrimin jirey saldanadda, oo ammaankii iyo kala danbayntii ayaa faraha ka sii baxay, iyo duullaankii isadaba joogga ahaa ee boqortooyada Ethiopia oo halkiisii ka sii socday, intuba waxay sabab u noqdeen in uu yimaado kacdoon shacbi oo uu hogaaminayo Imaam Axmed Ibraahim Gurey.

Yaraantiisii Imaam Axmed Gurey, wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray dhul qiyaastii koonfurta kaga toosan Harar. oo u dhaxeya Harar iyo Zeylac,waxaan shaki ku jirin in uu qawmiyad ahaan ka soo jeedo Soomaalida, sida uu Professor Maxamud Brelvi uu ku xusay buuggiisa “Islam in Africa” oo lagu daabacay magalada Lahore ee Pakistan sannadkii 1964kii .. Qowmiyadda Oromada oo iyagu ku dooda in Imaamku uu dhankooda ka soo jeedo ayaa la rumaysanyahay in ay agagaarka Harar sooba gaareen qiyaastii xilligii Amiir Nuur Amiirka ka ahaa Harar.

Qabaa’ilka Soomaalida ee loo tiirin-karo Imaam Axmed waxaa kamid ah: Geri-ga, Marreexaan-ka, Habar Magaadle-ha, oo ah qaybo kamid ah reerka Isaaqa. Sida ka muuqata buugga Futux Al-Xabasha waxay sadexdaas qoys ku tabaruceen inta badan ciidankii iyo fardihii ka yimid qowmiyadda Soomaalida ee uu Imaam Axmed uu ku weeraray boqortooyada Xabashida. Sidoo kale qabaa’ilka Harti-ga, oo iyagu ka yimid Maydh, Hawiye-ha, Xarla-ha, Jaraan-ta iyo Yibra-ha ayaa iyaguna ka mid ahaa qabaa’ilkii Soomaalida ee Imaam Axmed gacanta ku siiyey duulaankiisa.  

Khilaafkii Imaam Axmed iyo suldaan Abubakar wuxuu gaaray halkii ugu saraysay. Wakhtigaas ciidanka ugu badan ee Suldaan Abubakar waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Soomaalida qabaa’il ka tirsan sida ku xusan buugaagta taariikhda.

Boqor Lebne Dengel, boqorkii Xabshida, oo ka faa’iidaysanayey khilaafkii ka dhex aloosnaa imaarada Zaylac, wuxuu sannadkii 1527-kii amray Fanuel oo ka soo jeeday Kirishtankii reer Dawaaro, in uu weerar ku kiciyo reer Harar. Fanuel iyo ciidankiisu waxay weerarkooda ku ekeeyeen goob u dhow goobihii uu Imaam Axmed Gurey kula sugnaa ciidankii uu kala soo tegey Harar.

Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee si toos ah u dhexmara Imaam Axmed Guray iyo ciidanka boqortooyada Ethiopia, wuxuu Imaamku ka gaaray guul ballaaran. Ciidanka Fanuel waxaa lagu jabiyey goobtii lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaas looga qabsaday illaa 60 faras, baqal fara badan iyo hub sida uu ku xusay Shihaab Al-Diin buuggiisa Futuux Al-Xabasha, baalka 12aad.

Axmed Gurey oo ahaa imaam , isla markaana ahaa jeneral, waxaa lagu dilay dagaalkii dhacay sanadkii1543 goobta ku magacaaban Wayna Daga ..  Imam Ahmad waxaa markaas la socotay xaaskiisa, dabadeedna marku dhintay waxay ku noqtay Harar, iyado markaas guursatay nin la oran jiray Nuur ibn Mujaahid oo shuruud uga dhigtay guurkaas inu u Aaro Axmed Guray oo raacdeeyo Itoobiyaanka.

Laakiin markii ciidamada Xabashidu qabsadeen Harar waxa ay dileen Cabdalla Maxamed, oo waqti dambe ahaa Amiirkii Harar ee xukumayey Muslimiinta .. Boqor Menelik markii uu qabsaday Harar wuxuu xukunkii u dhiibay ina-adeerkii Ras Makonnen .. Menelik isla markiiba wuxuu warqad u diray xafiiskii Ingiriiska ee Cadan, wuxuuna u sheegay in Cabdalla Maxamed uu ahaa nin dhaxlay maamulkii Imaam Axmed Gurey ee Harar qabsaday qarnigii lix iyo tobnaad, sidaas darteedna in jabkiisu (Cabdalla) uu yahay badbaaadinta iyo soo celinta sharafta Masiixiyadda.

Axmed Gurey wuxuu ahaa nin caj’aaib ah oo diinta islaamka u dagaalamayay dhaxal reerbna u noqotay umada somaalida meel kaste ha joogaanee taasina waa tan dhalisay in lugu faano Axmed Gurey ilaa hadana magaciisii iyo sharaftiisii iyo halgankiisii wali wuu jiraa wuuna jiri doonaa.