Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Hadal Xawaasheynta Reer Yurub .. Trump Oo Ugu Yeeray iiraan Ineysan Sameysan Hubka Burburka Culus Geysta .. Iyo iiraan Oo No Iyo Diiday Hadalku U Joogo

Thursday - July 4, 2019


Maalmaha soo socda gaar ahaan maalinta Axada ee fooda nagu soo haysa waa maalin Mareykanka iyo Yurub u tahay maalin Madow .. Waa maalin ay gudoonsatay dawlada iiraan in ay kor u qaadi-doonta  level-ka Bacrinta Uranium oo ah heer ka baxasan inti horay loogu heshiiyey .. Bacrinta oo ay baro dhaafsiin-doonaan heerka 3.67 % waa haddi reer Yurub daba wareega joojin-waayaan oo go'aan cad ka qaadan-waayaan cunaqabateynta Mareykanka illa bishan todobadeeda.

iiraaniyiintu waxay ku andacoonayaan in reer Yurub ay been la soo indha cad-yihiin oo dheedheelka iyo caashaa aysan kala saareyn, balse aysan daacad ka ahayen iney badbaadiyaan heshiiski horay u dhex maray Lixda Dawladaha waaweyn iyo iiraan, oo markaan si bareera ugu tuntay Madaxweyne Trump, isla markaana maalinba maalinta ka dambeysa colaada iiraan ku si afar qaadaya .. Shir dhawaanta ka dhacay Magalada Viena ee ku dhex maray Ergadi ka socotay Yurub Iyo iiraaniyiinta wax ka dhiiqay ma jiraan, oo waxay iiraaniyiinta yiraahdeen: Yurubku wixiisu waa hagardaamo oo hindise beena ayuu hurgufaya .. 

Sida ay sheegaan khubarada baxaarida ku ah cilmiga Atoomikada wax gumaada, waxay carbaabeen in  Dawlada iiraan sey u hesho Qunbulad waxay u baahantahay iney Bacriso 1050 KG oo Uuranium ah, waxaana la saadaalinaya awooda aqooneed ay leeyihiin awgeed iney Sanad gudaheed ku diyaarin karto Qunbuladaha wax gumaada, laakiin wadadka u sareya dalkaas shiikh Khaamini ayaa ku dooda in aan la sameyn-doonin Qunbulad laakiin haddi duruuf timaado wey u badantahay in sameynteeda la fasaxo.

Madaxweyne Trump oo u ekaaday sidi Neef fuuray damiir canaanta iyo dareen wax u sheega midna lagu ogeyn ayaa maalmahaan isagoo ciiro isku qarinaaya qaylo afka ku shubtay oo isago ilaawsan inu yahay kan heshiiski jabiyey ayuu ku eedeeyey iiraan iney heshiiski ka baxday oo si xad dhaafa u Bacrineyso Uraniumka lagu sameeyo Atoomikada, wuxuuna xulafada Yurub iyo macshar Jini wal-insi ugu yeeray in talaabo cad laga qaado iiraan.