Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dawlada Somaliya Oo Jawaab Kulul Ka bixisay Warka Sheegaya Iney Ka Baxday Dacwadi Bada Ee Ay Ka Gudbisay Kenya

Tuesday - July 9, 2019


Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warar soo baxay oo sheegaya inay ka tanaasushay xuduudii badda ay ee ku muran-sanaayeen wadanka Kenya.

Agaasimaha warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha soomaaliya Axmednur Maxamed Axmed ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda ee u dhaxaysa wadanka Kenya, isla markaana ay dacwadu sideedii u hortaalo maxkamada Hague.

Agaasime Axmed-nuur ayaa sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee soomaaliya uu baaris ku hayo cidii faafisay warkaasi waxaanu ku yiri warka uu soo saaray :-

Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ .. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah.