Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hargeysa .. Dagaal Culus Oo Dhex Maray Jabhada Korneyl Caare Iyo Ciidanka Somaliland

Wednesday - July 10, 2019



Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo kuwa uu wato Corneyl Caare oo dhawaan ka goostay Ciidamada Soomaaliland.

Dagaalka ayaa si gaar ah waxaa uu uga socdaa deegaanada dhoob iyo biya gaduud ee bariga gobolka Sanaag oo 30-km u jirta Magalada Ceerigaabo,waxana la sheegay in Ciidamada Col, Caare ay weerareen Goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Soomaaliland.

Wararka hordhaca ah ee haatan soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen dhaawacuna uu intaasi ka badan,kuwaas oo u badan ciidamada dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in maalmihii ugu dambeeyay ay ka jirtay Xiisadda Labadda Ciidan.

Dhinaca kale Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Ceerigaabo uu ka socdo mudaharaad ay dhigayaan shacabka ku nool magaadaasi, kuwaas oo kasoo horjeeda dagaalka duleedka Magaaladaas ku dhexmaray Ciidamada Col, Caare iyo Ciidamada Soomaaliland