Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dunida Ciireysa Iyo Seefti Ordogaan Galkay Diidan-tahay .. ..Turkiga Oo U Hanjabay Isku-Daran Trump

Thursday - July 11, 2019



Turkiga ayaa maanta uga digey Mareykanka in uu qaado Tallaabooyin qaldan kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay sheegtay in ay cawaaqib xun ka dhalan doonto haddii Ankara ay ka soo iibsato Ruushka nidaamka gantaalada difaaca ee S-400.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu yiri, "Waxaan ugu baaqeynaa Mareykanka in uu ka fogaado in uu qaado tallaabooyin qaldan, taas oo meesha ka saareysa diblumaasiyadda iyo wada hadal, islamarkaasina dhaawaceysa xiriirka.

Arrintani ayaa imaaneysa kadib markii Mareykanku uu soo cusbooneysiiyay digniintiisa ku wajahan Ankara, oo ay sheegeen in ay jiri doonto cawaaqib xun oo dhab ah, haddii ay Ankara soo gaba gabeyso soo iibsashada gantaallada S-400.

Morgan Ortagus oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in cawaaqibta ka dhalan doonto arrintaasi ay ku jirto ka qeyb qaadashada barnaamijka f-35.

Waxa ay sheegtay in Turkigu uu si buuxda ula socdo in uu ka hor imaanayo sharciga cunaqabateynta Mareykanka, kaas oo Congress-ka uu meel mariyay 2017-dii. Sharcigaasi oo cuna qabateyn ku soo rogaya cid kaste oo hub ka soo iibsata Ruushka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegey bishii hore mar uu la kulmay dhiggiisa Mareykanka, Donald Trump, in Turkiga uu kalsooni buuxda ka qabo in aan cuna qabateyn loo saari doonin soo iibsashadooda S-400.