Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Halawga Iyo Taararka Hirarka Dhaadheer .. Halaw Kismaayo Qarax iyo Belal Rasaas Baa Ka Socota .. Halaw Kismaayo Wii-wiida Qaylada Yeereysa

Friday - July 12, 2019


Warar nala ku soo gaarsiiyey khadka isgaarsiinta ayaa sheegaya in Qarax Weyn u maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Kusmaayo Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland sida ay u xaqiijyeen goob-joogayaal halkaas ku sugnaa, Qaraxa oo ka dhacay Hoteelka  loo yaqaan Cas-Caseey ee dhow Aargada Magaalada Kismaayo.

Warku wuxuu sheegaya in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax-yabaaha Qarxa oo lagu dhuftay Iridda Hoteelka, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Hoteelka Koox hubeysan.

Magaalada Gees ka gees ayaa laga maqlay rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa ka tirsan Jubbaland.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu hotelka ay deganaayeen dadyoow badan oo ka kala yiimid qaaradaha aduunka, kuwaaso qaarkood ahaayen odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin caan ka aha geyigaas jubaland