Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Axmad Madoobe Dhimbishii Miyey Dhaaftay Oo Ka Dhooftay .. Kheyre Jubaland Buu Isku Shubay .. Farmaajo Ma Toosay

Tuesday - September 10, 2019



Warar is daba jooga oo ka soo baxay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaaya in Riisal Wasaare Xasan kheyre u maalmahaan u dabcay maamulka Jubaland, isla markaana isu diyaarinaayo inu aqbalo natijadi dhawaanta lagu doortay Axmed Madoobe, halka madaxweyne Farmaajo ka biyo diidsan-yahay gabi ahaanba doorashada halkaas ka dhacday, balse sida la sheegay ku talagalkiisa u yahay in Axmad Madoobe la soo qabto, balse hadey suragal noqoto habar dugaag hilibkiisa lagu casumo, laakiin nasiib daro sida la sheego sheekadaas wey socon-weyday oo isagi ayey sumcadiisi fagatay wax u yeelo daaye 

R/W Kheyre oo isagu maalmahaan ku mashquulsanaa dhismaha maamulka Galmudug ayaa dhanka kale marku arkay dhabti iyo xaalku inusan ahayen sidi hore markiiba ka baxay jawigi aamusnaanta, wuxuuna isla markiiba wax ka badalay qaabki u ka aaminsanaa Axmad Madoobe, sidaa daraadeedna wuxuu raba inu la fariisto oo gor-gortan iyo beer laxaawsi ku dayo si hadey is afgartaan u ka qayb galo caleemo saarkiisa. 

Dhanka kale Waxaa la sheegaya in Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo ciil ku gadooday u aad uga xumaaday Riwaayada iyo talaabada u qaaday Xasan Kheyre, taaso meel ka dhac ay ku tahay sharafta madaxweynaha oo marnaba iyo sinaba usan ku aqbali-karin doorashada jajuubka ee Axmed Madoobe lagu doortay .. arintaan kala fikirka ayaa si fogeyneysa khilaafka Farmaajo iyo Kheyre .. farmaajo wuxuu leeyahay ma jirto daawo la helaayo illa Axmad Madoobe Meesha dhaafo mooye halka Kheyrena uu leeyahay armay noo Roontahay inaan faraha ka qaadno .. Kheyre wuxuu madaxweyne Farmaajo ku yiri: Madaxweyne sharcigi qaban-lahaa Axmed Madoobe haddu jiro meeshu jiro sheeg

War kale oo isagana aan ka soo xiganay jubaland gaar ahaan madaxtooyada Kismaayo ayaa tilmaamaya in Beesha dawliga ee Caalamka ay fariin u soo direen Axmed Madoobe oo ay ku wargalinayaan iney xaflada caleemo-saarkiisa ka soo qayb gali-doonaan