Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Haddi Aduunyo Qof Ku Baaqi Ahaanaayo Waxaa La Deyn Lahaa Rasuulki ilaahay .. Geeridi Nabi Maxamed CSW

Wednesday - September 18, 2019


Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa .. Waa Xanuunkii ugu horreeyay, wxuuna ahaa Madax-xanuun .. habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Sayid-Bilaal ayaa aadamay Aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: Assalamu Caleyka yaa rasuululaahi .. Faaduma ayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan-yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale,

dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo gal Bilaal", waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri: Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq .. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah .. Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso"

Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu CSW istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan-waayay
nafsaddiisa waana qeyliyay .. muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu CSW wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri: Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya? waxay tiri Faadumo: "Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen".

Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii .. salaaddii kaddib ayuu rasuulku CSW la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idin ku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada,
maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".

Intaa kaddib Nebiga CSW waxaa la geeyey gurigiisa, illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: u tag xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad CSW uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad CSW isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: "Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!

Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii .. Rasuulka CSW ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay tiri: " Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya kala geeya dadka is jecel kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa nagu dhacday, waxaa dhimanaya Rasuulkii illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay .. Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)" wuxuu kaloo rasuulku yiri: Malakul-mowdow soo gal wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. "Assalamu calayka yaa rasuulu-laah" rasuulkuna wuxuu yiri
"wacalaykum assalam yaa Malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?"Malakul-mowt wuxuu yiri: "waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:"waxaan uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: "miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:"waan ogahay rasuulkii Illaahayow".Rasuulku wuxuu yiri: " iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)".
Malakul-jibriil wuxuu yiri: "albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii ilaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada .. albaabadii jannada waa la wada furay"

Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta .. Rasuulku wuxuu yiri: "maxaa darnaan badiyey xanuunka mowdka", wuxuu kaloo yiri: "malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?". 

Malakul-jibriil wuxuu yiri " ilaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga
adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: " Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay milkisay gacmihiinu.

Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay.